Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Waano Iyo Dardaaran U Diray Saddexda Murashax Madaxweyne

32
3928

Hargeysa(Geeska)-Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-waraabe), ayaa saddexda murashax ee tartamaya ugu baaqay inay si nabadgelyo ah u loolamaan oo ay ilaaliyaan nabadgelyada guud ee qaranka.

Xaaji Cabdi, oo shalay ka hadlayay fadhigii golaha guurtida, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay  “Qolada madaxtinimada dooneysa ee tartameysa si sharaf leh oo wanaag ku jiro waa in ay ku tartamaan, ninka imika kiciya ee rabshad abuura xagee  ayuu wax ka doonayaa,ninka hadda buuq dhaliyayna isaga uunbaa is dhibay, saddexda musharax ee tartamaya heyska ilaaliyeen inay rabshad kiciyaan,magac  ayaynu ku leenahay nabad-galiyadda, magaca heynaga duminina, gobonimadu waa nabad-galyada, laakiin aqal la burburiyo iyo guri la wareero iyo gaadhi la jajabiyo midna yaanay idinka bilaabmin, saddexdiinu idinka oo is jecel kuwada rida, shicibkana waxaan leeyahay qof walowba kaad dooneyso ugu rid, idinma kala xigaan, ee xisbi kaliya ayaynu nahay, askarta, culimada, dhalinyarada, shicibka gabi ahaantii waxaan  leeyahay mid ahaada, idinka oo is wada jecel oo walaalo ah oo mid qudha ah kuwada rida, nin walowba kaad doonto adiga oo qoslaya ugu rid, ciidamada booliska waxaan ugu baaqaya inay laban-laaban ilaalinta iyo adkeynta nabad-galyada qaranka Somaliland, nin walba u adeega, caalamka ina eegaya oo waftiyo badan ayaa inoo yimi way ina eegayaan ee wanaag hala inaga gudbiyo”

Xaajigu wuxuu ku soo gunaanaday waanadiisa “hadday nabadgalyo inoogu dhacdo nin waliba waa madax haddii uu buuq inaga dhashana waa baaba, caalamka ayaa ina eegaya waftiyo badan ayaa inoo yimi, waa layna eegayaa ee sharaf halay nagaga tago, caalamka ina dhagaysanayaa yaanay ceeb inaga sheegin. Saddexda nin ee tartamayaa nabada ha ka shaqeeyeen ninka nabada ka shaqeeyaa xisbigiisa ayuu dhisayaa, shicibkii ayuu shisayaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here