Xaaji Cabdi-waraabe Oo Isagoo Caafimaad Qaba Shalay Ku Soo Laabtay Magaalada Hargeysa

0
624

Hargeysa(Geeska)-Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo hawlo caafimaad ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa shalay ku soo noqday magaalada Hargeysa.

xxxxxxxxxxxxxxxxxx

Xaaji Cabdi Waraabe, waxa madaarka ku soo dhaweeyay guddoomiyaha UCID, wasiiro, xildhibaano iyo dadweyne kale oo si diiran ugu qaabilay madaarka Hargeysa.

Xaaji Cabdikariin oo soo noqoshadiisa ka hadlaayey ayaa yidhi "Aad baan u wanaag-sanahay dhakhaatiir wanaagsan ayaan ka helay Addis Ababa aadna waa laygu shaqeeyey oo binu-aadanimo ah,  aad-baan ugu ladnaaday, garaacii iyo xumadiiba way iga jabeen, xanuunka jileeciisii uun baa i haya iyo gabbaw.”

Xaajiga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Nabadgelyana Alle waa igu geeyey nabadgelyana waa igaga soo celiyey, dadkii joogayna Alle ha nabadgeliyo, salaanta sharciga ah ayaan salaamayaa, Dhakhtaradii iyo Hotelkii iyo dadkii odayaashii iyo ummaddii ii shaqaynaysay ee i soo salaantayna salaanta sharciga ah ayaan u dirayaa alle ha nabadgeliyo, Asalaamu calaykum wa-raxmatulaahi wa-barakaatuhu".