Xaaji Cabdi Waraabe: “Culimadu Yaanay Si Kale U Fahmin, Dunida Waa Lala Macaamilayaa, Baanku Waa Horumar”

0
540

Hargeysa (Geeska)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay xaalada nabadgalyo ee dalka, waxaanu soo jeediyay in la ogolaado baananka la furayo.

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo shalay ka hadlay Kal-fadhigii Golaha Guurtida, ayaa sidoo kale soo dhaweeyey xeerka baananka Ganacsiga ee hor yaala Golaha Wakiilada ee muranka dhaliyey, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlaya Nabadgalayada“Waxaan leeyahay Nabadgalyada ha laga shaqeeyo, Bilayska ha baraarugo, aad ha u shaqeeyo, Bilaysku Shicibka ha la shaqeeyo, Shicibkuna Bilayska ha la shaqeeyo, ilayn Bilaysku meel walba taagan maayo, aqalka la kiraysanayo waa in la ilaaliya, Dhalinyaradu suuqa si fiican bay u socdaane waa inay kordhiyaan, af-duubkan iyo waxan ina soo galay waa in aad looga feejignaada, nabadgalyada ayey xumaynayaan”.

Xaaji Cabdiwaraabe isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Nabadgalyada dhammaan in laga wada shaqeeyo weeye, maaha in Bilayskuun lagu haleeyo, Bilayska in la hogaamiyo weeye, waar halkaas wax baan ku tuhmay, Nabadgalyadu shicib bay ku xidhan tahay, Rag iyo Dumarba inay ilaaliyaan weeye, oo ninka xun iyagaa arkaye, iyagaa arkaye, kolay arkaan Bilayska farta ha ugu fiiqaan, Bilayska wax loo sheegay iyo waxay arkaanba wey dadaalayaan, Bilayska ha lala shaqeeyo, kuligeen Bilays aynu noqono, asalba Dawladda dhismaysaa, waa inay Bilays wada noqotaa, Bilaysku haddii uu inuun ku koobnaado, Nabadgalyadu socon mayso”.

Xaaji Cabdiwaraabe mar uu ka hadlaayey xeerka baananka ganacsiga ee Golaha Wakiilada hor yaala ayaa yidhi “Imika Baan waa la sheegayaa laga hadlaayo, waa horumar, dad baa ka shaqeyn, lacag baa imanaysa, ninkii doonta ayuun baa lacagta ka qaadane, Culimadu yaanay si kale u fahmin, Adduunka waa lala macaamilayaa, wixii qaloocan baa la iska ilaalinayaa, Baanku waa horumar weyn, maxa yeelay ninka baahanuun baa ka qaadanayaa, ninka aan doonan u yeedhan mayaan”