Xaabsade Oo Xukuumadda Si Kulul Ugu Dhaliilay In Aan Madaxda Dhulbahanate Laga Qaybgelin Talada Sool, Sheegayna Inuu Qoomamaynayo Soo Xerogelintii Lascanod

0
759

Picture6Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, oo ku magacaaban la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo asxaabta siyaasadda, horena u ahaa wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta, ayaa si adag uga hadlay xaaladda gobalka Sool iyo sida aanay xukuumadda Somailand siyaasiyiinta Dhulbahanate uga tallo gelin arrimaha ka taagan.

Mr. Xaabsade, wuxuu tilmaamay inuu qoomamaynayo qaybtii uu ka qaatay in gobalka Sool ku soo noqdo gacanta Somaliland, waxaanu sheegay inaan lagu ixtiraamin guushaas uu soo hooyay oo aan wax tallo ah la weydiin, isagoo sidoo kale cadeeyay in guud ahaan madaxda Beesha Dhulbahante ugu jirta dawladda Somaliland aan iyagana waxba laga weydiin gobalkooda. Xaabsade, wuxuu arrimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay weriye Maxamed Sagax, oo ka tirsan Wargeyska Haatuf ee xayiran, kaas oo u soo gudbiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:

Axmed; Sideed u aragtaa xaaladda gobalka Sool?

Aad iyo aad waxaanu uga xunahay inaan talada dadkayaga waxba lanaga weydiin haddaanu nahay ragga jooga Somaliland ee madaxda ah, shalay waxa la weeraray Taleex, maantana waxa la weeraray Saax-dheer, intaana waxayaga meesha jooga nin qudha oo wax ka og oo wax laga weydiiyay oo laga tallo geliyay ma jiro, waxaanu umadda u sheegaynaa inaanu arrintaa aad iyo aad uga xunahay, waxaanu leenahay tani waxay keenaysaa sidii lagu kala tagi lahaa, waxa kale oo aanu leenahay dalka waa la wada leeyahay, lama kala laha, waxa muuqata inaan talada Dhulbahanate ee halkan jooga aanay talada dalka waxba ku lahayn, markaas taasi waxay noo keenaysaa sidii loo kala tagi lahaa oo loo kala dhaqaaqi lahaa, taasna aad iyo aad baanu uga xunahay, waanan ka tashanaynaa waxayaga halkan joogaa.

Adigu waxaad tahay siyaasi culus, Madaxweynahana aad baad isugu dhawaydeen, dad badan ayaa leh Madaxweynuhu wuu ka talaabsaday Xaabsade, oo rag yaryar oo curdin ah ayuu taladii u dhiibay, arrintaas mala odhan karaa waa ka qayb dhibaatada.?

Waa ka mid, arrintaasi waa ka mid, intii muddo ahaydba waxayagii madaxda ahaa wax lanagama weydiiyo, khaas ahaan anigoo keenay gobalka Sool oo Somaliland ku soo daray, nasiib darro ayay noqotay inaan maanta waxba layga weydiin gobalka Sool, aad iyo aadna waan uga xumahay waanan qoomamaynayaa, khaladkaygana waan qaadanayaa.

Talada aad tidhi waanu tashan doonaa, maxaa ka mid ah ayaad u malaynaysaa?

Waxa ka mid ah inaanu dhulkayagii la tallo noqono, mar haddii Isaaq tixgelin waayay soohdiintii heshiiskii ay Somali isugu tagtay ee ay mid ku samaysatay, dee anaguna tixgelin mayno tii Ingiriis nagu qasbay ee uu na qabsaday ee uu sameeyay, taladayadana dib baanu ula noqonaynaa.