Shirkada Genel Energy Oo Shaacisay Xiliga Ay Somaliland Ka Bilaabeyso Shidaal Qodista

61
4003

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda caalamiga ah ee Genel Energyayaa sheegtay inay Somaliland ka bilaabi doonto shiidaal qodis sannadka 2019 ka.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa baahisay khamiistii in Agaasimaha fulinta ee shirkadda Genel Energy Mr. Murat Ozgul, uu caddeeyey inay sannadka 2019 shiidaal ka soo saari doonaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasimaha Genel Energy wuxuu xusay in sahan ay hore uga fuliyeen Somaliland sannadkii 2017kii rejo laga muujiyey in shiidaal ku jiro Somaliland.

Mr. Murat Ozgul wuxuu xusay inuu jecel yahay inay shirkad ahaan shiidaal ka soo saaraan Somaliland, waxaanu daboolka ka qaaday inuu ugu farasaxsan yahay sidii uu ugu mabsuuday xiligii ay shiidaalka ka soo saareen dalka Kurdistan 15 sanno ka hor.

Sidoo kale madaxa maaliyadda ee shirkadda Genel Energy, Mr. Esa Ikaheimonen, ayaa sheegay in shirkaddu ay gelin doonto qayb ka mid ah 162 milyan oo doolar oo ka mid ah hantida u taalla Kurdistaan.

Dawladda Somaliland ayaa dhawr sano ka hor heshiis shiidaal baadhis ah ula gashay shirkadda Genel Energy.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here