Wikileaks Iyo Warbixinaha Uu Ka Qoray Kulamo Muhiim Ay Oo Ay Edna Aden Iyo Cabdillaahi Ducale La Yeesheen Maraykanka

1
706

Hargeysa(Geeska)-Warsidaha Wikileaks oo muddooyinkan dambe baahinayay xogo la xidhiidha Somaliland iyo wada hadalada ay xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin la yeelan jirtay madaxda Maraykanka, ayaa waxaanu maanta kala soo dhex baxnay laba qodob oo ay ka qoreen labadii Wasiir arrimo dabadeed ee soo maray xukuumadii hore oo si weyn xidhiidh ula leh qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, kuwaas oo kala ahaa Edna Aden Ismaaciil iyo Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Horaantii bishii June ee sannadkii 2006, waxa magaalada Djibouti ka dhacay kulan dhex maray Wasiirkii arrimaha dibadda Somaliland ee xilligaas Marwo Edna Aden Ismaaciil iyo Kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsanaa Afrika Ms. Jendayi Frazer. Sida lagu baahiyay warsidaha Wikileaks labada masuul waxa ay ka wada hadleen qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland iyo taageerada uu Maraykanku u fidin karo.
Jendayi Frazer ayaa marwo Edna weydiisay jidka ay Somaliland u marayso helitaanka madaxbanaanideeda, waxaanay Edna Aden sheegtay inaanay Somaliland weligeed helin garsoor arrinteeda dhagaysta “Somaliland weligeed garsoor may helin,  cidina may dhegeysan.” Ayay tidhi Edna Aden, laakiin Jendayi Frazer ayaa weydiisay cidda ay u malaynayso inay garsoorkaas noqon karto, waxaanay Eden Aden ku jawaabtay in aragtideeda ay u malaymayso inuu midowga Afrika noqon karo garsoor..
Jendayi Frazer waxa ay Edna Aden kula talisay inay Somaliland diirada saarto wadamo muhiim ah oo kala ah Koonfur Afrika, Nayjeeriya, Gaana iyo Kenya, “Wadamada kalena way raaci doonaan.” Ayay tidhi Jendayi Frazer oo Edna la hadlaysay. Edna Aden ayaa taageertay aragtidaas, waxaanay ka sheekaysay guulaha ay Somaliland gaadhay ee sababay inay noqoto dawlad degen, waxaanay sheegtay inay bulshada Somaliland wadankooda ka dhigeen mid nabadgelyo iyo Dimuqraadi ah. Sida uu Wikileaks faafiyay Marwo Edna Aden, waxa ay Jendayi Frazer si cad ugu sheegtay inaanay Somaliland iyo shacabkeedu marna aqbali doonin inay Somaliya mar labaad xukunto.  “Somaliland iyo shacabkeedu weligood ma aqbali doonaan inay Somaliya xukunto.” Ayay tidhi Edna Aden Ismaaciil.
Xog kale oo uu faafiyay Wikileaks wuxuu ku sheegay in Wasiirkii arrimaha dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale, uu bishii December  sannadkii 2007, uu kulan la yeeshay A.I. Wilgus iyo pol-econ oo ah diblomaasiyiin sar sare oo ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa,waxaanay kulankaas kaga wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka iyo weliba sida ay dawladda Maraykanku olole uga geli karto in wadamada Afrika lagu qanciyo inay Somaliland aqoonsadaan. Inkastoo ay labada dhinac kulankaas kaga wada hadleen arrimo badab, haddana arrinta u baahan in la dul istaago ayay waxay tahay in Mr. Ducaale u  sheegay inay Somaliland wada shaqayn iyo iskaashi la leedahay dalalka Yemen, Itoobiya iyo Kenya, iskaashigaas oo ku saabsan la dagaalanka argagixisada. Laakiin wuxuu sheegay inuu diiday soo jeedin uu Somaliland u soo bandhigay guddoomiyihii guddiga midowga Afrika ee xilligaas Prof. Alpha Omer Kanore, oo ku saabsanaa inay Somaliland kulan la yeelato Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo xilligaas ahaa Madaxweynaha dawladdan ku meelgaadhka ah ee Somaliya, waxaanu Mr. Ducaale sheegay in kulankaasi noqonayo khiyaamo qaran, isagoo Cabdillaahi Yuusuf ku eedeeyay inuu si cad uga soo horjeedo xaqa ay umadu u leedahay inay aayahooda ka tashadaan.
Diblomaasiyiinta Maraykanku markii ay faalaynta ku samaynayeen go’aanka uu Mr. Ducaale ka istaagay in dawladiisu Cabdillaahi Yuusuf la kulanto, waxay sheegeen inuu muujinayo sida uu u xunyahay xidhiidhka Somaliland iyo Somaliya, waxaanay soo jeediyeen in laga hawl galo sidii mustaqbalka loo samayn lahaa dedaalo siyaasadeed iyo dib u heshiisiineed.
Mr. Ducaale, wuxuu Maraykanka uga mahadceliyay arrimaha gargaarka bini-aadminimo iyo mashaariic kala duwan oo uu xusay inay ka wadaan Somaliland. Isagoo kala hadlaya arinta aqoonsiga Somaliland, wuxuu Mr. Ducaale, diblomaasiyiintii u sheegay inay dawladooda Maraykanku ka mid ahayd wadamadii Somaliland aqoonsaday sannadkii 1960 markii ay xorriyadeeda qaadatay, islamarkaana ay magan gelyo siiyeen qaxoonti tiro badan oo reer Somaliland ah iyo weliba in Maraykanku ka horyimid xasuuqii xumaa ee ay dawladii Siyaad Barre u gaysatay shacabka Somaliland sannadkii 1988.

Comments are closed.