Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo ahaa wiilkii ugu yaraa carruurta Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Weriye Axmed Siciid Cige, oo ka mid ehelada qoyska ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay geerida Marxuumka, waxaanu sheegay in marxuumka maanta lagu aasi doono xabaalaha naasa-hablood ee magaalada Hargeysa.
Alle haw naxariiste Marxuumka ayaa muddooyinkan dambe Hargeysa u jiifay xanuun, waxaana saaka 10:00 barqanimo laga qaadayaa maydkiisa gurigiisa oo ku yaala duleedka Jeelka weyn ee Hargeysa.