Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Iclaamiyay Garsoore Loo Magacaabay Maxkamada Rafcaanka Gobalka Awdal

0
518

Hargeysa(Geeska)Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland ahna gudoomiyaha guddida cadaalada Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in masuul cusub loo magacaabay gudoomiyaha maxkamada rafcaanka ah ee gobolada Awdal iyo Selel.

1

Gudoomiye Aadan Xaaji Cali oo khadka  telefanka ugu waramay Hadhwanaagnews ayaa sidoo kale ka hadlay qaar ka mid ah garsoorayaasha ka hawl gala gobolka Awdal oo maanta ku dhawaaqay inay iska casileen shaqadii ay hayeen.

Gudoomiye Aadan Xaaji oo ka hadlaya is casilaadii gudoomiyihii maxkamada racfaanka gobolka Awdal ayaa waxa uu yidhi “ Maxkamada racfaanka ee gobolka Awdal waxaanu u magacawnay Maxamede Siciid Saaweer oo hada ahaa garsoore ka tirsan maxkamada racfaanka ee gobolka Awdal, waxaanu mudo sano ka badan ahaa gudoomiyihii maxkamada degmada Boorama, garsoorihii hore-na waxa uu sheegay inuu is casilay ka dib markii ay baadhis ku sameeyeen guddida cadaaladu kuwaas oo go,aamiyey in laga badalo maxkamada racfaanka gobolka Awdal ka dib cabasho badan oo ka timid iyo mudada baadhistu socoto”

Gudoomiye Aadan Xaaji Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay garsoorayaal kale oo maanta iska casilaybahda cadaalada gobolka Awdal “ Guddida cadaaladu sida ugu dhakhsaha badan  ayey u soo buuxinaysaa boosaska ay baneeyeen xubnaha kale ee sheegay inay is casileen, waxa wadanka jooga muwaadiniin badan aqoon iyo khibradba u leh hawlaha garsoorka oo bilaa camal ah, garsoorka gobolka Awdal iyo guud ahaan garsoorka dalkuna maanta maalin uu ka fiican yahay ma jirto, qofkuna marka uu shaqadiisa ka soo bixi waayo  maaha inuu ku gabado waxbaa qaldan.”