Wiil 23 Jir Ah Oo Ka Sheekeeyey Hab Dabiici Ah Oo Uu Iskaga Daweeyey Findoob Uu Muddo La Dhibaataysnaa

0
819

1Hargeysa (Geeska)- “Waxa aan joojiyey dhammaan cuntooyinka caanaha laga sameeyo / laga soo dheegto, waxa aan cunay khudrad aad u badan, waxa aanan cabbay ugu yaraan 3 litir oo biyo ah maalin kasta” Waxaa sidaa yidhi, wiil muddo dheer la dhibaataysnaa fin doobku aakhirkii isku daweeyey.

Ciyaaryahanka jidh-dhiska ee lagu magacaabo Brian Turner oo da’diisu 23 sano jir tahay ayaa soo bandhigay talooyin cunto oo uu sheegay in uu kaga bogsaday Findoob uu muddo dheer xal u la’aa. Sida uu ku warramay wargeyska Daily Mail oo qoray sheekada Turner ee Geeska Afrika turjumay, Brian markii uu ku fashilmay isku day kasta oo uu sannado badan u maray sidii uu findoobka iskaga kaxayn lahaa, aakhirkii waxa uu go’aansaday in uu joojiyo caanaha iyo dhammaan noocyada cunto ama macmacaan ee laga soo dheegto. Qof kasta oo dhibatani haysana waxa uu u sheegay in haddii uu caanaha iyo cuntooyinka laga soo dheegto oo dhan ka saaro cuntadiisa, maalin kastana uu cabbo biyo u dhigma saddex litir, isla markaana uu cuno 10 illaa16 jeer oo noocyada khudradda ee kala duwan ah, maalintii in uu si dhaqso ah oo kama dambays ah uga bogsanayo findoobka.

Brian Turner waxa uu boggiisa Instegram ka ku sheegay in maalin kasta ay ka soo bixi jireen ugu yaraan Afar illaa lix fin oo cusub, oo ku sii biira kuwa hore ugu yaalla wejigiisa, laakiin aakhirkii uu ku guulaystay in uu habkan iskaga kaxeeyo finanka, maqaarkiisuna noqdo mid dixiin ah oo finan ka nadiif ah.

Brian Turner waxa uu sheegay in muddadii uu finankan la dhibaatoonayey uu u tegey dhakhaatiir badan oo takhasus ah, isla markaana uu qaatay dhammaan dawooyinka loogu talagalay in findoobka lagu kaxeeyo, laakiin mar kasta oo ay ka kaxayso dawado, haddana uu findoobku dhaqso dib ugu soo bilaaban jiray. Arrintaasina ay ku dhalisay go’aankan ah in uu bal hadda isagu iskii dawo dabiici ah u aadiyo, waxa aanu ka bilaabay in uu iska daayo gebi ahaanba noocyada hilibka oo uu khudrad keliya ku noolaado, taas oo si dhaqso ah uu uga arkay natiijadan fiican, keentayna in uu si rasmi ah uga joogsado caanaha iyo cuntooyinka laga sameeyo iyo noocyada hilibka oo dhan, isla markaana biyo badan maalin kasta cabbo.