Hargeysa(Geeska)-Weriye Muniir Axmed Cigaal oo kamid aha wariyaasha Telefeeshinka Qaranka ee Waddanka Ingiriiska isla markaana ah Tafatiraha Guud ee Shabakadda Wararka Somalilandtoday.com ayaa dalka dib ugu soo laabtay dhawaan. Wariye Muniir Axmed Cigaal oo u waramaayay Geeska Afrika isagoo hadda ku sugan magaaladda Hargaysa ayaa ka hadlay dareenkiisa dib u soo laabashada dalka, sidii losoo dhaweeyay iyo isbadalada uga muuqday intii uu joogay waddanka.
Ugu horeyn maruu ka hadlaaya soo noqoshadiisa ayaa wuxuu yidhi “Dalka Somaliland muddo 5 sanno ah ayaan ka maqnaa, runtii daltabyada iyo bohol yowga aan u qabo wuxuu ahaa mid markasta igu taagan. Aadban ugu faraxsanahay inaan maanta caafimaad ku joogo dalkaygii hooyo illahayna waan ugu mahad naqayaa, waayo qofku baasaboor kasta oo uu haysto iyo dalkasta oo uu ku noolyahay waxaa uga wanaagsan ciidiisa hooyo.”
Mar aanu waydiinay sidii dalka loogu soo dhaweeyay iyo qaabka uu arrinkaas u arko wuxuu markale yidhi . “Waxaan maanta jeclahay inaan Geeska Afrika u mariyo ugu horeyn mahadnaq ballaadhan oo aan lasoo koobi karayn, dhammaan shacbiweynaha rer Togdheer gaar ahaan dadweynaha Magaaladda Burco oo runtii si aanan malayn Karin isoo dhaweeyay, Madax dhaqameedkii, Siyaasiyiintii, Xildhibaanadii ka sharaxnaa Xisbiyada kala gedisan, bahadii caafimaadka, bahdii ciyaaraha iyo dhammaan dadkii qaaliga ahaa ee sida aanan filayn isoo dhaweeyay waan u mahadnaqayaa. Runtii ma garan karo waxaan ku cabiro, balse way isii dhiirigalin doontaa. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa dadkii Hargaysa igu soo dhaweeyay, Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka, Wasiiradii iyo Xildhibaanadii isoo dhaweeyay, axsaab aad u badan oo dhammaantod aan u mahadnaqaayo.
Ugu danbeyntii Wuxuu Wariye Muniir Axmed Cigaal ka hadlay waxyaabaha waddanka iskabadalay muddadii uu ka maqnaa, isagoo sheegay in isbadalka ugu weyn ee uu dareemay ay yihiin dibudhiska xooga leh ee magaaloyinka iyo siday u fidayaan.