Weriye Cooldoon Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
619

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa shalay madaarka Hargeysa ee Cigaal ka qabtay weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Ma jiro war ay hay’adaha ammaanku ka soo saareen xadhiga saxafigan, laakiin weriyaha ayaa markii la qabtay wuxuu ka soo noqday magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya oo uu joogay tan iyo markii ay qabsoontay doorashada loogu doortay Mr. Farmaajo Madaxweynaha Somaliya.