Weli Axmed Xaawa Oo Dalbaday In Lagu Cadeeyo Musuqa Lagu Eedeyay

0
461

 

Picture1Hargeysa( Geeska )- Maareeyaha haay’ada korantada Weli Axmed Xaawa, ayaa dhaqan xumo ku tilmaamay qaybo ka mid ah shaqaalaha haay’ada korantada oo warabaahinta u sheegay in xaalada haay’ada korantadu ay soo fiicnaanayso maareeyaha karib, waxaanu kooxdan ku sheegay in la soo abaabulay.

Sida oo kale maareeyahu waxa uu sheegay in gudidii iyo kooxdii baadhitaanka ee haay’ada baadhay in uu uga fadhiyo musuq maasuqa iyo wax is daba marint ay sheegeen. Waxa uu sidan u sheegay  Weli Axmed Xaawa mar uu la hadlaayay tilifishanka HCTV, waxanau hdalkiisa ku bilaabay sidan “ In shaqale la soo agaasimo la yidhaado ninkii meesha ka madaxda ahaa waanu ka raysanay iyo sidii hore way dhaantaa hawshaas in aan maanta loo fadhiyin ayay aniga ila tahay, waxa loo fadhiyaa waxii ay gudidu sheegeen muqus-maasuq iyo wax is daba marin ah inay keenaan, anigu maanta shaqaalahaygii uma jawaabayo oo waalidku wiil xun iyo mid wanaagsanba waa uu dhalaa ka xuna ma caayo aniguna shaqaalahaas la soo odhadku soo agaasimay waxba odhan maayo”

Maareeyaha haay’ada korantada Weli Axmed isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi“ Qoladaas odhadkana hawshii loog fadhiyay maaha in nin masuul ah oo meesh ka kacay daaha  dabadiisa wax laga yidhaado, arintaas musuq maasuqana ninkii yidhi cadaynteeda ayaan uga looga fadhiyaa, shaaqalahii aanu shaqada ka joojinay waa la soo celiyay badh ka mid ah badhana dabda ayay joogaan. Wadaxweynaha waxaan fariin ugu dirayaa in gudidii ay arimo sharci daro ah oo  badan samaysay wax ka mid ah nin la baadhayo oo fasax la siiyay maantana shaqaalahii haay’ada ayaa la soo qaybiyay oo la yidhi warbaahita ka jawaaba, qofkana waa la eryi karaa laakiin in shaqaalii la yidhaahdo kaaliya oo wax ka sheega waa dhaqan xumo kale oo lagu beerayo Somaliland, waxaa qoladana looga fadhiyaa musuqii iyo wax isdaba marintii ay sheegeen ee looguma fadhiyo inay shaqaalaha dhex meeraystaa.”