Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE

0
568

 

Picture2Hareysa( Geeska )-Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige ( Jaamac Shabeel ), ayaa sheegay in dhamaan dhinacyada xisbiga Kulmiye ee iskaga soo horjeeday qabsoomida shirka golaha dhexe inay ku heshiiyeen in 31 march in shirkii golaha dhxe la qabto.

Waxaanu ku baaqay in shirkaas ay xubnaha golaha dhex ka soo wada xaadiraan shirka golaha dhexe, waxa uu sidan ku sheegay guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel mar uu warbaahinta la hadlaayay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  sidan“ Waa lagu heshiiyay in shirkii 31 March inuu qabsoomo oo labadayada dhinacba aanu u dhanahay hoggaankii xisbiga iyo kii golaha dhaxe iyo xukuumadba si loo wada dhan yahay waa loo heshiiyay, waanad ogaydeen in mudo toddobaad ah la wada hadlaayay waxaana ka soo baxay wada hadalkaas heshiis, waxay ahayd caadada Kulmiye in cid kastaa ay soo  bandhigto fikirkeeda laakiin dimuqraadiyada ayaa na faraysa in marka u danbaysa wax lagu heshiiyo oo aanu qofna ku sii dhigin fikirkiisa laguna kala kacin, shirkiina Axada ayuu qabsoomayaa oo ku beegan 31-ka bishan, waxaanan farayaa xubnaa golaha dhaxe inay dhamaantood wakhtiga ilaaliyaan goobtuna waa Maansoor.”

Jaamac shabeel oo ay warbaahintu waydiisay in xal loo helay loolanka Muuse iyo Samaale oo ka qayb ah khilaafka xisbiga ayaa ku jawaabay  “Heshiiskan waa loo dhan yahay oo cid  ka maqan ma jirto loolanka masuuliyiintuna waa dimuqraadiyad nin wal oo damac lehiba waa uu ka dhex loolamayaa waana arin shir weynaha u taala oo aan golaha dhaxe u oolin.”