Weftigii Suudaan Ka Socday Ma Waxay U Yimaadeen Xoojinta Isbahaysiga Dagaalka Yemen?

0
673

Picture1Hargeysa(Geeska)-Maalmihii u dambeeyay waxa soo baxayay warar sheegaya in wefti diblomaasiyiin ah oo ka socday wadanka Suudaan oo joogay magaalada Hargeysa ay ujeedada safarkoodu la xidhiidhay xoojinta isbahaysiga duqaymaha iyo weerarada ku wada jabhadda Yemen iyo sidii ay Somaliland uga qayb geli lahayd iyadoo la isticmaalayo dekedeeda Berbera.

Inkastoo ay xukuumadda Somaliland cadaysay in weftigu u socdeen xoojinta xidhiidhka Somaliland, ka dib markabkii hubka siday ee ay Somaliland qabatay balse ay sii daysay, haddana dadka ayaa aad isula dhex marayay in masuuliyiintan oo ay ku jireen saraakiil milatari ay u socdeen xoojinta isbahaysiga dagaalada Yemen oo ay Suudaan qayb ka tahay.

Hase yeeshe warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inaanu weftigaasi u socon sidii ay Somaliland uga qayb qaadan lahayd dagaalka Yemen ee uu Sucuudigu hormuudka ka yahay, waxaanu safarkoodu ku koobnaa sidii ay uga dareen celin lahaayeen markabkoodaas loo sii daayay ee hubka u siday carwadii Dubai lagu qabtay.

Weftiga ayay ilahan xogogaalka ahi sheegeen inay dawladda Somaliland kala hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada wadan, waxaanay Somaliland dhinaceeda ka codsatay dhawr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay weftigu balan qaadeen inay dawladooda u gudbin doonaan.