Wefti Ka Socda Dalladda Waab Qurux Oo Safar Shaqo Ku Tagay Magaalada Baligubadle

0
515

Hargeysa(Geeska)-Hoggaanka dalladda Waab Qurux ayaa shalay safar shaqo ku tagay magaalada Baligubadle, halkaas u tageen dardar gelinta hawlo ay halkaas muddo ka wadeen.

1 1

Bayaan ay hoggaanka Dalladda Waab Qurux soo saareen ayaa wuxuu u qornaa sidan “Shalay  oo ahayd maalin jimce ah 16/09/2016 waxaa safar shaqo ku tagay magaalada Bali Gubadle ee xarunta gobolka hawd qaar ka mid ah xubbaha guddida Waab Qurux.

Safarkan oo ujeedadiisu ahayd dar dar galinta mashruuca dayactirka Dugsiga Hoose dhexe iyo wareejinta 3 laptop oo uu soo direy Abdirashiid Ali Xamari oo ka mid ah Qurbo jooga Dallada waab qurux iyo 10  Buug oo ah  Buugaagta manhajka cusub ee waxbarashada Dugsiyada sare ee JSL oo Guddidu u iibisay dugsiga sare baahi weyna loo qabay. Waxa kale oo la gudoonsiiyay Kutub Qur' ana Masaajidka Weyn ee Baligubadle .

Guddidu intii ay bali gubadle joogeen waxay ka qayb galeen xaflad lagu dhagax dhigaayo sugitaanka iyo Seeska dhulka  Dugsiga Hoose dhexe oo magaaladu gaadhay si aanay carqalad ugu keenin marka dismihiisa la helo, xafladan oo ay soo agaasimeen xubnaha Dallada waab ee Bali gubadle iyo Hargeisa waxaa ka soo qayb galay Guddoonka waxbarashada ee heer gobol iyo Degmo, Badhasaabka gobolka Hawd, Laamaha Amniga, garsoorka,waalidiin iyo dadweynaha deegaanka bali gubadle.

Gebo gabadii xaflada waxaa halkaaagu guddoonsiiyey 3 computers laptops waxabarashada Poliska iyo Jeelka Bali gubadle waxaynu kala ahaayeen sidan:
Dugsiga Sare ee Faarax Nur hal laptop iyo Toban buug, Saldhiga Degmada Bali Gubadle hal Laptop iyo Jeelka Gobolka Hawd  Hal laptop.

Badhasaabka gobolka hawd oo dhagax dhigay seeska dugsiga ayaa baaq u direy qurbajooga iyo qaran jooga kaleba in ay ku daydaan dallada waab qurux kana qayb qaataan horumarinta gobolkooda.

Waxaa xusid mudan in aanay weli fari kaqodnayn baahiyaha gobolka kuwa ugu waaweyn ee ay ka mid yihiin:_ Wadada  Hargeiaa to Baligubadle, cusbitaalkii Degmada, Biyo galinta Magaalada, Bangigii, Boardingkii, Astayntii Dhulka laamaha dawladee maqan iyo town plankii Degmada Bali Gubadle.