Weerarka Iyo Difaaca Shirguddoonka:

0
555

Picture3Dagaalkii Cirro Iyo Baashe oo maalmihiisii gaadhay

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka koowad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xaq u leeyahay inuu golaha dib ugu soo celiyo go’aankii lagu laalay in haamaha kaydka shidaalka lagu wareejiyo shirkaddaha shidaalka.

Md. Baashe oo ay isaga iyo ku xigeenka labaad ee golaha Md. Cali Yuusuf Axmed shirjaraa’id ku qabteen Hargeysa waxa ay ku weerareen guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo ay ku eedeeyeen inuu maroorsaday hawshii shirguddoonka golaha. Ugu horayn Baashe Maxamed Faarax oo hadlay ayaa yidhi  “Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu soo celiyo go’aanka golaha wakiillada, markuu soo celiyayna uma soo celin Guddoomiyaha ee wuxuu u soo celiyay gole weynaha. Gole weynihii loo soo qorayna kama hor akhrin oo uma sheegin oo ma odhan madaxweynuhu go’aankii buu inagu soo celiyay ee maxaynu ka yeelnaa. Markaa haddii goluhu isla qaato ha lagu celiyo Madaxweynaha iyo inaan lagu celin waxay u taalaa gole weynaha, guddoomiyaha baarlamaankana uma taal, shir guddoonkana uma taalo.” Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

 Guddoomiye ku xigeenka Wakiiladda oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Sidii loo sugayay Guddoomiyuhu inuu golaha soo dhexdhigo warqadda Madaxweynuhu soo diray, wuxuu guddoomiyuhu u qoray warqad madaxweynaha uu leeyahay go’aankii aad soo celisay dib baan kuugu soo celiyay, taasina waxay baal marsan tahay dawladnimada iyo in qof waliba wuxuu doono sameeyo. Waad ogaydeen oo khilaaf hore ayaa ka dhacay go’aamo guurtida loo gudbiyay waa laga gar naqay oo waxaa la go’aamiyay in wax kasta oo golaha ka baxaya shir gudoonku isla ogaado, taasna wuu jabiyay Guddoomiyuhu.”ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Geesta kale guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa iska difaacay eedaha loo jeediyay waxaanu yidhi ” Goluhu wuu garanayaaye waxaan jecelahay inaan shacbiga u sheego, sida xeer hoosaadka goluhu tilmaamayo golaha waxa metela oo magaciisa ku hadla guddoomiyaha golaha wakiillada. Goluhu laba wax buu sameeyaa mid waa shuruuc, midna waa go’aammo, markay shuruuc tahay dastuurku wuu tilmaamay in madaxweynuhu awood u leeyahay inuu soo celiyo, balse dastuurku ma jidayn meel ay kaga taalna ma jirto inuu soo celiyo go’aan gole.

Go’aanku wuxuu ahaa mid si aqlabiyad ah goluhu iskugu raacay, sidaas darteed aniga oo raacaya dastuurka kuna hadlaya magaca golaha iyo go’aanka golaha waxaan madaxweynaha u gudbiyay inaanu dastuurku jidayn inuu soo celiyo go’aan gole, waxa kale oo aan u gudbiyay in xukumaddu degdeg u soo gudbiso xeer lagu maamulo hantida qaranka oo dastuurku amray in la sameeyo si looga baxo muranka soo noqnoqda eek u saabsan maamulka hantida qaranka.

Soomaalidu barigii hore geela ayay kala dhici jirtay, markaa marka geela la soo qaado nin wadaad lagu sheego ayay u tagi jireen oo waxay odhan jireen xoolahana wax ka qaado anagana noo xalaalee Geela. Markaa waxaan isleeyahay malaha xukumaddu waxay jeclaysatay nin kursigan aan ku fadhiyo ku fadhiya oo waxay doonaysana u xalaaleeya, Saaxiibadayna waxaan leeyahay ha noqonina kuwaa geela la soo dhacay cidda soo dhacday u xalaalaynaysay” ayuu yidhi Mudane Cirro