“Waxyaabaha Ugu Waaweyn Ee Sicir Bararka Keenay Waa Laga Wareegayaa Waana La Arkayaa”

52
3483

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg ayaa xukuumada ku dhaliilay in aanay talaabooyin ka qaadin waxyaabaha sicir bararka iyo qiima dhaca ku keenay dalka kuwaas oo uu ku tilmaamay lacag xad dhaaf ah oo xukuumadii hore soo daabacday iyo lacagta qaadka oo doolar loogu dhoofiyo dalka Itoobiya.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in wali aan dalku arimahaas wax isbadal ah ka keenayn waxaanu xukuumada ugu baaqay inay xanibto lacagta dheeriga ah ee aanu dalku u baahnayn ee la soo daabacay.

Xildhibaaan Dheeg oo warbaahinta Hargeysa kula hadlaayay waxa uu yidhi “Waxa laga yaabaa in waxan aan maqlaayay ay ka mid yihiin waxyaabahan sicir bararka keenay oo ay ugu yar yar yihiin laakiin waxyaabaha ugu waaweyn waa laga wareegayaa waana la arkayaa, waxaana la yidhi ( cudurka kaa gala fardaa haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayee) ilaa Somaliland ku dhiirato Itoobiyaay naga jooji qaadka ama  hadii kale shilinkii Somaliland ee uu kuu jaray qaadku ku badalo birtaada, oo casarkii halka la leeyahay yaa doolar arkayeey ha lagu badalo bir, oo ha qaadato Itoobiya lacagteeda.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”waxii bataaba iyaga ayaa is jabiya Somaliland waxa dhex taala lacagtii dalka oo ka tan badan dalka waxaan idhi lacagtan baanka taala khubaro haloo diro, ee wada cusub ee kunka iyo shanta kun ah lacagtaas waxii ka siyaado ah waxa dalku uu u baahan yahay hala xanibo, inta lacagta Somaliland ay tan dhaaftahay lacagtu qaali noqon mayso inta casarkii qaadluu uu doolar yaa hayaay leeyahayna doolar ma jabaayo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here