Suldaan Cismaan Oo Sheegay Inuu Qabsoomayo Shirkii Uu Suldaan Maxamed Baajiyay

55
4349

Hargeysa(Geeska)-Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, ayaa sheegay inuu qabsoomayo shirkii Beelaha Garxajis ee uu Maalin ka hor Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir sheegay in la joojiyay qabsoomidiisa, ka dib dareeno ka dhashay.

Suldaan Madar oo u waramay telefishanka Saab isagoo jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska, wuxuu sheegay in shirkaasi qabsoomayo oo aanu baaqan doonin,“Baaqan aan soo jeedinayaa waxa weeye waxa ka baxay saxaafadda hadalkii Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uu leeyahay shirka waanu baajinay ama joojinay, waxaan u sheegayaa bulshada Garxajis inaan shirkaas wax joojin ah iyo wax ka bedel ah midna jirin sidiisiina u dhici doono, wax iska bedelayaana ma jirto, sidaas ayaan doonayaa in lagu ogaado oo loo diyaar garoobo, guddiga iyo odayaasha Garxajisna aad baan u salaamayaa.”

Suldan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Salaasadii sheegay inuu baajiyay shirkaas oo uu isagu hore u iclaamiyay, ka dib markii ay bulshadu shirkaas su’aalo iska weydiisay, waxaanu Suldaan Maxamed yidhi “Waxaan leeyahay shirkaas dib ayaan u dhigaynaa mana qabanayno imika iyo wakhti kale toona, ilaa aanu ka iclaamino wakhti danbe.” sidaas ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here