Waxqabadka uu ka Tagay Maareeyihii Hore Oo Hadheeyey Xil-wareejinta Tv-ga Qaranka

0
603

Picture3Hargeysa (Geeska)-  Maareeyaha cusub ee dhawaan loo  magacaabay Telefishanka Qaranka Somaliland Mr. Cabdi Cali Mahdi, ayaa khamiistii xilka kala wareegay Maareeyihii hore Mr. Khadar Cali Gaas oo uu Madaxweynuhu u beddelay la-taliyihiisa arrimaha saxaafadda.

Xaflad lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta shalay, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta wasaaraddaasi sida wasiirka, wasiir-ku-xigeenka, agaasimaha, agaasime-waaxeedyada, fannaaniin, shaqaale iyo marti sharaf kale, waxa si rasmi ah xilka maareeyenimada Tv-ga Qaranka kula kala wareegay labada masuul ee isku waydaartay maamulkiisa. Waxaanna hadallo ay madasha ka jeediyeen madaxda wasaaradda iyo kuwo xukuumadda ka tirsan si wayn u hadheeyey khilaafka inta badan ka jiray wasaaraddan, gaar ahaan kii dhexmaray Wasiirka xilka haya Cabdillaahi Cukuse iyo Maareeyaha la beddelay Khadar Cali Gaas iyo weliba waxqabad ballaadhan oo saamayn ku yeeshay shaqada telefishanka dawladda oo uu ka tagay maareeyaha hore.

Maareeyihii hore Telefishanka Qaranka Somaliland, ahna La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda Mr. Khadar Xasan Cali Gaas oo warbixin dheer uu ka jeediyey xafladdaasi ku faahfaahiyey waxqabadka uu ku sameeyey Tv-ga dhinac kasta oo isugu jira qalabayn, casriyayn, ballaadhin iyo tayayn wararka iyo barmaamijyada ka baxa.

Ugu horreyn, isagoo ka warramayey waxqabadka qaybta wararka ee telefishanka, waxa uu yidhi, “Warku waa waxa ugu muhiimsan ee telefiishanka ka baxa, haddaba iyadoo laga duulayo taasi waxa dayactir iyo dib-u-eegisba lagu sameeyay qaybta wararka ee TV-ga. Waxaana horraantii sannadkii 2011-kii lagu kordhiyay waaxda Ingiriisiga, taasi oo ka dhigtay telefiishanka keliya ee luuqadda afka Ingiriisiga ah ku warrama ee Af-soomaali ku hadla. Bishii February 2014 waxa telefiishanka lagu kordhiyey qaybta Afka Carabiga ee telefiishanka oo sumcadda TV-ga kor-u-qaaday oo ay innagu soo hambalyeeyeen Jaamacadda Carabtu.

Bishii November 2012 waxa dib-u-habayn lagu sameeyay wararka telefiishanka ka baxa, iyadoo lagu soo kordhiyey warbixino (field reporting) joogta ah oo warka qayb ka mid ah noqda. Warka Telefishankan ee Afka Soomaaliga ku baxa waxa lagu soo kordhiyey war dheeraad ah oo baxa 04:00 galabnimo.

Sidoo kale waxa kor loo qaaday tayada wararka, waxaana lagu soo kordhiyay qalab cusub oo isugu jira kombiyuutaro iyo kamarado.”

Mr. Khadar Gaas waxa uu tilmaamay in muddadii uu xilka hayey telefishanku yeeshay weriyayaal uga soo warrama dhammaan gobollada dalka oo dhan iyo waddamada kala ah; Sucuudiga, Kenya, Jabuuti, Sweden, Norway, Finland iyo Ingiriiska. Sidoo kalena, barmaamijyada telefishanka ka baxa lagu sameeyey dib-u-habayn iyo kor-u-qaadida tayadooda, halka lagu soo kordhiyey qaar cusub oo ay ka mid yihiin Maaweelada Carruurta, Nasiibka Tv-ga, Arrimaha Bulshada, Dhukumentariga, Ganacsiga, Maqal-dadkaaga, Badhig-hibeedka, Kasmaal, Somaliland iyo Maanta, Horumarka Dalka iyo kuwo kale, halka la hirgeliyey barmaamijyo kale oo si toos ah uga baxa (Live) oo ay ka yihiin; Doodda Tv-ga, Waxqabadka xukuumadda, Caafimaadka, Diinta iyo Nolosha (su’aalaha diinta), Dhambaal, Cawayska, tabarucaadka iyo Somaliland maanta (Sweden), kuwaas oo dhammaantood ay bulshada ku dhaqan dunida daafaheedu si toos ah khadka telefoonka ay kaga qaybqaataan, uguna xidhan yihiin. Waxa kaloo telefishanku markii u horreysay si toos u gudbiyey salaadda Taraawiixda, Tartanka, Qur’aanka Kariimka ee bisha Ramadaan, ciyaarihii gobollada Khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo ee UK, xafladihii 18-ka May sannadkii 2013 ee Hargeysa, Burco, Boorama, Barmingham, Liverpool, Bristol, Cardiff, Stockholm (Sweden), Brussels (Belgium) iyo London (UK).

Waxa kaloo uu sharraxay horumarka uu ku sameeyey qaybaha baahinta iyo qalabka ee telefishanka, “Markii aan la wareegay maamulka telefiishanka may jirin wax qalab ah oo studyoga yaalay marka laga reebo kamarado dhawr ah oo suuqa wareega marna wax lagu duubi jiray. Maantana waxa Ilaahay mahadii ah in dhammaanba stuudyaasha Tv-ga lagu qalabeeyay kamarado casri ah oo qaarkood midkiiba tahay $12,000 kun oo dollar iyo qalabka is-dhexgeliya muuqaalka (video mixers) casri ah. Telefishanka waxa lagu qalabeeyay qalab tiro badan oo tayadiisu aad u sarrayso, iyadoo kombiyuurtarro labtopyo iyo kamarado lagu qalabeeyey xafiisyada telefiishanka ee Gobollada  Awdal, Baligubadle, Ceelafweyn, Gabiley, Saaxil, Daadmadheedh, Sanaag, Saraar iyoTogdheer. Waxaanna qalab casri ah lagu rakibay Istuudyaha (theater) ee xarunta Hargeysa, laguna soo kordhiyey qaybta cagaaran (Cromokey). Waxa kaloo xarunta Hargeysa, London iyo Stockholm waxa lagu rakibay qalabka casriga ah ee adeegga tabinta tooska ah (live) oo suurtagaliya in baahinno toos ah looga samayn karo dalalka UK iyo Sweden, iyadoo magaalada London laga furey Studio cusub oo si casri ah oo dhawaan bilaabay tabinta tooska ah ee dhinaca barnaamijyada. Sidaa darteed, Tv-ga Qaranku waxa uu noqday Tv-ga kaliya ee tebinta iyo dirida barnaamijyadaba haddii Internet la waayo li diri kara satellite-ka (through V-Sat), isla markaana yeesha qalabka casriga ee Merlin Pack-ga la yidhaa oo suurtagalinayey in meel kasta oo internet jiro si fudud inta dhabarka loogu qaato laga soo gudbin karo barnaamijyada iyo wararkaba. Waxaanna qaybta baahinta dibadda ee Satellite-ka lagu soo kordhiyey qalab cusub oo nasiya kii hore ee duugga ahaa ee lagu bilaabay tv-ga, kaas oo ku kacay lacag dhan 120,000 kun oo Dollar, iyadoo qalabkani suurtageliyey in idaacadaha Qur’aanka Kariimka ah iyo Radio Hargeysa laga dhagaysan karo Satellite-ka meel kasta oo dunida ka mid ah,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, Maareeyihii hore ee telefishanka Qaranku waxa uu soo bandhigay waxqabad baaxad leh oo uga hirgalay qaybaha xafiisyada iyo istuudyaasha oo kuwo cusub, dayactir iyo qalabayn lagu sameeyey, qaybaha qalabka, farsamada iyo IT-ga oo la casriyeeyey, gaadiidka oo uu ku kordhiyey saddex baabuur, horumarinta shaqaalaha oo tiro badan oo ka mid ah tababarro la siiyey, isla markaana telefishanku xidhiidho dibadeed la sameeyey telefishanno caalami ah.

“Guud ahaan Tv-ga Qaranku waxa uu ku tallaabsaday horumar mug leh oo laga wada dareemay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, iyadoo lagu soo kordhiyay qalab aad u tiro badan oo qiimahoodu ku dhaw yahay ilaa 1,000,000 dollar, sababtoo ah telefiishanku miisaaniyaddiisu intii naga horreysay marka laga reebo mushaharka shaqaalaha waxa dib loogu celin jiray in ka yar 25% miisaaniyaddiisa qalabka adeeggiisa iyo barnaamijyada, haddana waxa uu Ilaahay noo sahlay in inkastoo aannu dhinay miisaaniyaddii Tv-ga 30% lacagta ku bixi jirtay sannadkii ($840,000 sannadkii), isla markaana shaqaale 100 kor u dhaafay oo aan mushahar iyo gunno midna qaadan jirin ay iminka qaataan, in relefiishanka Qaranku noqdo mid tayadiisa iyo daawashadiisu si aad ah ay kor ugu kacday oo horumar muuqda ku tallaabsaday,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Mr. Khadar Gaas, iyadoo halkaasi lagu guddoonsiiyey billad ay ku maamuuseen shaqaaluhu.

Dhanka kale, Maareeyihii hore ee Telefishanka Qaranku Khadar Cali Gaas waxa uu carrabka ku dhuftay khilaafka dhexmaray Wasiirka Warfaafinta, isagoo sheegay inuu u tanaasulay danta Qaranka dareed, isla markaana waxa uu halkaasi ka sheegay inuu dhankiisa saamax ka yahay Wasiir Cukuse oo waxa ay isku qabteen ahayd shaqada oo keliya, “Anigu waan ku saamaxay wasiir, laakiin adigu mooyi Cabdillaahi waxaad yeeli,” ayuu yidhi Khadar Cali Gaas. Waxaanna hadalkaa isla goobtaa kaga jawaabay Wasiir Cukuse oo isna ku tiraabay inuu cafis ka yahay maareeyaha hore.

Geesta kale, Maareeyaha cusub ee Telefishanka Qaranka Mr. Cabdi Cali Mahdi oo dadka aqoonta u leh ka ammaaneen xafladda, ayaa isna ballanqaaday inuu halkaasi ka sii wadi doono horumarka iyo waxqabadka Tv-ga uu gaadhsiiyey masuulka ka horreeyey, isla markaana uu si caddaalad iyo wadashaqayn ah ugu adeegi doono shaqaalaha.

Xafladdaasi waxa iyaguna ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, Wasiir-ku-xigeenka Maamulka gobollada iyo degmooyinka Wasaaradda Daakhiliga Axmed Cadarre, Agaasimaha guud ee Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) iyo suxufiga caanka ah ee Yoonis Cali Nuur.