“Waxay Ila Tahay Muuse Inuu Dhisi Doono Xukuumad Aad U Kooban Oo Tayo Badan Leh”

28
3158

Prof. Cabdisalaan Yaasiin

Hargeysa (Geeska)-Prof:Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, oo ka mid ah Madasha Wada-tashiga Somaliland, ayaa Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi kula taliyey in Wasiiradda uu Xukuumaddiisa u magacaabi doono, oo aanu ku soo xulan reernimo, ee uu ku soo xusho wax qabad iyo aqoon, waxaanu xusay in Wasiirka lagu soo xulo reernimo oo Bulshada waxba u qaban, ee uu naftiisa uu qudha wax u qabto.

Prof:Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in waxa ugu horeeya ee u baahan inay wax ka qabato Xukuumadda Muuse Biixi inay yihiin Maceeshada iyo SIcir bararka, waxaanu ugu horeyn yidhi  “Waa ILLAAHAY mahadii haddii aynu si nabadgalyo ah uga gudubnay Doorashadii, inkasta oo dhib yari dhacday, Geel jiruhu waxay Geela u dirtaan nin qawsaara, oo Geela dhinac walba ka ilaaliya, markaas haddii uu Geelu qawsaar waayo, wuu baylahayaa, Xukuumaddana waa Xukuumaddii shannaad, markaas waxaanu filaynaa in khibradaha hore ka shidaal qaadan doonaan, oo sida qawsaarka geela noqon doonaan, oo dadka ay dhiqi doonaan, oo baylah aad u badan baa imika inagu jirta, sidaas darteed baylahadaas aadka u badan ee Madaxweynuhu dhaxlayo inuu wax ka qabto, oo dawlad fiican dhiso, oo uu dadka isku soo jiido,  oo uu mideeyo dadka weeyaan, dadka reer Somaliland waa dad aad iyo aad u wanaagsan, oo midaysan oo wax isku haneeya, oo isku tanaasula, erayga ah tanaasul, waa xaqiiqo oo dadkeenu waa dad is maqla, oo wax kastaaba ha soo dhex mareen, wixii dhiilo ah iyo wixii dhibaato ah, si wanaagsan u mareeya”.

Prof:Cabdisalaan Yaasiin oo ka hadlaya waxa laga filayo Xukuumadda Muuse Biixi ayaa yidhi “Xukuumaddan waxaynu ka filaynaa in wixii baylaha ee jirta ay wax ka qabto, oo maamul wanaagsan dhisto, oo maamulkii dalka wada gaadhsiiso, oo shaqo la’aantii dhalinyarada ku baahday wax ka qabato, oo shaqo abuur sameeyso, oo Ictiraafkii si fiican u raadiso, oo sidii wacnayd ee la inoogu bogaadiyey Doorashada, waa inaynu muujinaa inaynu Khariirada Adduunka ka muuqano, inagoo ah dawlad la icitiraafsan yahay oo Somaliya walaaltinimo mooye aan shuqul kale ku lahayn”.

Prof:Cabdisalaan Yaasiin mar uu ka hadlaayey Maceeshada iyo SIcir bararka ayaa yidhi  “Maceeshada iyo Sicir bararka waa waxyaabaha ugu fudud ee wax laga qaban karo, waxaana filayaa in waxa ugu horeeya ee wax laga qaban doono inay yihiin,sicir bararka waxa keenaya waa lacagteena iyo lacagta doolarka ee la isku sarifayo, lacagtii doolarkana si aynu leenahay oo aynu Mareykanka joogno ayeynu u isticmaalaynaa, laakiin inay Dawladdo lacagteena ixtiraamto, oo ay yar yareeyso, oo ay ka dhigto lacag la isticmaali karo ayaa haboon, Adduunkana Dawladda ayaa xukunta suuqa sarifka, ee waa in aanu suuqu xukumin Dawladda, ta maceeshada, haddii Dawladdu bilawdo in dalka wax laga soo saaro, maceeshada qaaliga ahi meesha wey ka baxaysa, waxaynu soo saari karnana waxa ka mid ah Galayda, Hadhuudhka, Qamadiida, xitta waxa ka mid ah Bariiskaas aynu dalalka fog ka keenayno, haddii aynu beerano lacagtii inaga baxaysay ma jirayso, wax walbana wey inoo jabnaanayaan, oo dalkeena ayaa markaas laga helayaa, kolay wali maynu gaadhin in danyarta wax la taro, laakiin haddii dalkeena wax laga soo saari lahaa, waxay dadkaasi danyarta ahi heli lahaayeen wax jaban”.

Mar uu talo gaar ah u soo jeedinayey Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi ayaa yidhi “Wuxuu hogaaminayey Madaxweyne Muuse Biixi, Guddidii uu Axmed Siillaanyo u saaray 2010, ka soo talinta Xukuumadda u dhisi doono, taladda ay u keeneen ayaana ahayd Xukuumad ka kooban 15 Wasiir, Axmed Siillaanyo Xukuumaddiisi ugu horeeysay aad buu u yareeyey, balse mar dambe ayey Wasiiraddiisi noqdeen, ilaa todobaatan iyo wax ka badan, laakiin waxay ila tahay Muuse inuu dhisi doono Xukuumad aad u kooban oo tayo badan leh, laakiin Wasiiradda waa in aan reernimo lagu soo xulin, ee waa in lagu soo xulaa muxuu qaban karaa, oo Somaliland u tari karaa, Wasiirka reernimo lagu soo xulaa,naftiisa ayuu wax taraa iyo dhawr qof oo uu shaqo geeyo, laakiin Wasiirka wax qabad iyo aqoon lagu soo xulaa, Umaddu wax u qabanayaa, oo Goboladu wax u qabanayaa,oo baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshadu wax ka qabanayaa, cid gaar ahna wax uma qabanayo, ee dadka ayuu wax u wada qabanayaa”.

Dhinaca kale Prof:Cabdisalaan Yaasiin ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu tilmaamay in gabi ahaanba la joojiyo wada hadalada Somaliya, haddii aanay Somaliya qirsanayn jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland, waxaanu xusay in markii hore Somaliland iyo Somaliya ay kala ahaayeen laba dal, isla markaana Somaliland doonaysay shanti Somaliyeed oo mida, taasina suurtagal noqon weyday, cadaadis iyo dhibaato badan kadibna ay dib ula soo noqotay xoriyadeedii ay iska lumisay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here