“Waxaanu Madaxweynaha Kala Hadalnay In Sumcada Somaliland Tahay Doorashooyin Dimuqraadi Ah Iyo Saxaafadda Xorta Ah”

0
559

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirxigeenka arrimaha dibadda ee Switzerland Mr. Yves Rossier    oo shalay la kulmay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa wuxuu sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland u sheegay in sumcada Somaliland ay dunida ka heshay tahay mid ku dhisan oo ku timid doorashoyin dimuqraadi ah iyo saxaafad xor ah.

Wasiirka oo shalay uu Madaxweynuhu ku qaabilay qasriga madaxtooyada, ayaa shirjaraa’id oo uu Wasiir Yves Rossier  qabtay wuxuu ku sheegay in weftigoodu booqasho indho indhayn ah ay ku tegi doonaan magaalooyinka Berbera iyo Sheekh, waxaannu yidh; “Weftigan waxay u baxyaan Berbera iyo Sheekh, iminkana waxay ka yimaadeen Xamar oo dhibaato ka taagan tahay, laakiin waxaannu doonaynaa in aanu tusno nabada meesha taala iyo in waddankan la isu socon karo. Waxaanannu jecel nahay in aanu cilaqaad la yeelano, waxyaabo badan baanu noogu ballanqaadeen in ay nagala shaqeeyaan.” Ayuu yidhi.

Geesta Kale, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Switzerland Mr. Yves Rossier   oo weftigaas u hadlay waxa uu sheegay in ay Somaliland sumcad ku heshay hanaanka doorashooyinka dimuqraadiga ah, saxaafadda xorta ah iyo bulsho nabada ku dhisan, waxaannu yidhi; “Dawladda Switzerland waxay la shaqaysaan mandaqada oo dhan oo Somaliland ka mid tahay, waxanaay kala shaqaysa arrimo badan oo ay ka mid yihiin horumarka, arrimaha siyaasadda. Waxaan madaxweynaha Somaliland u sheegnay in waxa ugu muhiimsan  ee Somaliland haysata tahay sumcad. sumcadeeduna ku xidhan tahay doorashooyinka dimuqraadiga ah, saxaafadda xorta ah, bulsho amni ku dhisan, habka ka qaybqaadashada dawladda oo ah mid aad u fiican marka waqtiyadan la eego.” Ayuu yidhi wasiirku.

Wasiir Mr. Yves Rossier   waxa uu intaa ku daray in Switzerland ahaan ay Somaliland u soo kordhin doonaan deeqaha uu baanka adduunku bixiyo ee ay ka qaybqataan, iyagoo kala shaqayn doona Somaliland iyo Soomaaliya in wadahadalu hore u sii socdaan. “Bulshadda caalamku waxay aad u danaysnaysaa xaaladda Muqdisho iyo Badhtamaha Soomaaliya. Waxa kale oo aanu ka wadahadalnay Madaxweynaha waxa Somaliland u qaban karto Somalida kale ee gobolka, gaar ahaan Badhtamaha Soomaaliya. waxaannu booqan doona dhawr goobood sida Sheekh iyo Berbera oo mashaariic aanu ka fulin doono si loo kordhiyo deeqaha Baanka Adduunku bixiyo si loogu maalgaliyo Somaliland, gaar ahaan Switzerland waxay kordhinaysaa maalgashiga iyo deeqaha ay Somaliland siiso, kana maaha wada shaqayntaha dhammadkiisa, balse waxaannu ka qaybqaadan doona dhinaca siyaasadda si ay u socdaan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee bilaabmay, waana arrin aan muhiimadeedu ku koobnayn Somaliland, balse gobolka oo dhan ah.”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ka wadahadleen sidii cilaqaadka labada dal kor loogu qaadi lahaa, isagoo sheegay in ay ballanqaadeen in ay lacago deeq ah oo Switzerland Somaliland siiso ay kor  u qaadeen. “Waxaan soo dhawaynaya Wasiirka Switzerland iyo safiirka la socda, waana markii ugu horraysa ee wasiirka iyo weftigiisu noo yimadaan. Waxa aannu ka wadahadlaynay sidii labada dal cilaqaad u yeelan lahaayeen, sidii hore u marin lahayn cilaqaadkii hore ee jiray. Waxa aan uga mahadnaqaya waxtarka ay had iyo jeer na siiyaan, iyagoo iminka ballanqaaday in ay waxqabadkooda sii kordhiyaan, kuna daray $ 2,000,000 (Laba milyan oo dollar) dhaqaalaha caawimada ah ee ay bixinayaan.

Waxyaabaha kale ee aanu ka wadahadalnay waxa ka mid ah sidii ay dalkan uga caawin lahaayeen , waxaanannu u sheegnay inuu waddan nabad ah yahay, xuquuqal-insaanka ilaaliya, dimuqraadi ah oo doorashooyin xalaal ah ka dhaceen, mustaqbalkana la rajaynaayo in ay ka dhacaan,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi Yoonis.