“Waxaan Ka Sii Digayaa In Muddo Kordhin Dambe Dhacdo”

0
529

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay go’aankii dhawaan ay Maxkamadda sare ka soo saartay khilaafkii muddo kordhinta ee inta badan taagnaa, ee u dhexeeyey Xukuumadda iyo Xisbiyada mucaaradka, waxaanu ka digay muddo kordhin dambe oo dhacda.

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “In badan ayuu soo socday, soona taxnaa khilaafka muddo kordhinta, waxaana jirtay Komishanku sheegeen in muddo Sannad ah ay ku qaban karaan Doorashada, balse Guurtida ayaa iyadu go’aankaas ka hortimid, waxayna la kulmeen Saddexda Xisbi, oo XIsbi walba ay arin weydiiyeen, balse ugu dambayntii go’an ayey soo saareen, go’aankaas oo ah inay Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladaba u kordhiyeen muddo xileedkoodii, oo ay ka dhigeen Sannad iyo Toban bilood, waxa kale oo jiray in Saddexda XIsbi iyo Xukuumaddu ay wakhti ku heshiyeen, muran kadib waxa dhacday in Madaxweynuhu labada muddo kordhinood uu u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah, si ay uga soo tala bixiso, Maxkamadduna waxa ugu dambayntii soo saartay sharcina ka dhigtay muddo kordhintii Guurtida, halka ay ka laashay heshiiskii Saddexda Xisbi, markaas muddo kordhintani dhacday, go’aankii Guurtiduna uu socdee, ee waxa aan ka digayaa in muddo kordhin dambe dhacdo, waxaana ku talinayaa in si wada jir ah la iskaga kaashado sidii Doorashadu ay ku dhici lahayd wakhtigaas loo cayimay”