“Waxaan Iftiiminayaa Hadal Aan Salaxley Ka Idhi”

0
605

Picture2Aniga oo ah Mudane Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) Waxaan halkan ku Iftiiminayaa Hadal aan ka idhi Xafladii Madaxwaynuhu xadhiga kaga Jarayay 28km Ee wadada Salaxlay ee Beeshu Samaysay, kaas oo dalka Gudihiisa iyo Dabadiisaba  Dad aan Fahmin Nuxurka ay Xambaarsanayd Kalmadaydaasi ay Hadal Cambaarayn iyo Ceebayn ah galiyay Wabsaydada Hadalkaa Daraadii.

Gaar ahaan 200 ee Nin ee isku Magacaabay in ay Joogaan Maraykan iyo Europe ee sheegay in ay Umad aan caayay Xaalsiinayaan hadii uu Nuxurka Hadalkaasi ku Adkaaday imakaan dib ugu Celinayaa ee ha Bogtaan.

Waxaa jirtay Wakhtigii Daahir Riyaale Kaahin Madaxwaynaha ka Ahaa Dalka waxaa Mucaarid ahaa Madaxwaynaha imaka Hogaanka Dalka haya iyo Faysal Cali waraabe, Beeshani Maalintaa way Shirtay waxaanay Odaraseen labad Mucaarid ayaa Mid soo Baxayaaye side Keenu usoo Baxaa, waxa la yidhi hadii walaalaheen ina Raacaan Faysal ayaa soo baxaya isla goobtaa waxa laga Magacaabay Wafti uu hogaaminayo  Suldaan Maxamed Sul C/qaadir waftigaas oo Kon Xubnood ku dhawaa waxaa loo diray Magaaladaa aynu Joogno ilaa Ceerigaabo ayay Ujeedadooda oo Muusanoow iyo Qaylo Xambaarsan ka Dhaadhiciyeen , Faysalna xagii Xisbinimo ayuu isaguna ilaa Ceerigaaba Baabuur iyo Diyaarba ku Dhex maray natiijadii uu kala soo noqday Idinku Iswaydiiya ???

Hadaan midh yar kaga noqdo Goobtii Xaflada Furitaanku ka dhacaysay  beeshu waxay isku raacday inay Madaxwaynaha Garab, Gaashaan, iyo Cod buuxaba siiyaan, ana markaan idhi Madawaynahaas ayuun baa noo Musharax ah ayaa nin iga ag yidhi Nin Garxajisaa Saraxan ana waxaan ugu jawaabay Halkii Faysal la dhigay ayuun buu Yaalaa waliba isagu hoos buu u hadlee anigu Microphone-ka ayaan Hadalka kaga Dhawaaqay, Midhka la igu Haystaana waa kaas oo kaliya

Sidaa darteed waxaan aad iyo aad u Jecelahay  in walaalnimada iyo Tolnimadu Mar walba Shaqayso hadaba ninka ileh marka Bari wax doonaayo ayuun bay shaqaynaysaa ee Galbeedku Meeshaba kuma kaasi isagu ha isoo jawaabo !!! waayo Mar hadii la leeyahay Faysal tii laga yeelay maxaad isoo hadal qaaday waxay Noqonaysaa in Magacan la wada sheeganaayaa u shaqaynayo Dhinac kaliya  maalintii ay taasi taagnaydna qofkasta oo beesha ka tirsani xisbi kasta ha ku jiree  wuxu  Jeclaa inuu faysal soo baxo.waxase maalintaa tolkay u Qaybsamay  UDUB iyo KULMIYE, maantana kii ku farxaya iyo kii ka naxayooba Kulmiyaanu Nahay Garab iyo Gaashaanba isagaanu la dhinac taaganahay. Meel fogna maan Tagine hadda waa kaad  maalintii jeclayd ayuun baa nana manta Jecelahay Ilaahay Quraankiis wuxu ku yidhi ???? ?????? ??????? ??? ????? Maanta Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa iska leh.