Guurtida Oo Shalay Dhagaysatay Garabyada Golaha Wakiilada Ee Is Haya

0
637

Picture3Hargeysa(Geeska):-Ergadii golaha guurtida ee dhex-dhexaadinaysay khilaafka aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa kulankoodii ugu horeeyey la yeeshay dhinacyada uu ka dhaxeeyo khilaafka aqalka golaha wakiilada Somaliland oo maalintii sabtidii keensaday mudaharaado sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ma jiraan warar amuurtan la xidhiidha oo ka soo baxay ergada dhex dhexaadinta iyo dhinacyada uu khilaafkani ka dhaxeeyo,balse sida ay ilo wareedyo xogo-gaal ahi ay u sheegeen wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in kulankan shalay oo ka dhacay xarunta aqalka Baarlamaanka Somaliland ay ergada dhexdhexaadintu si gooni gooni ah ay ula kulantay dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo,waxaana ay wararku tibaaxeen in kulankani uu ahaa kulan ergada dhex-dhexaadintu ay dhinacyada ishaya kaga qabanaysay waraaqaha dacwadooda sida oo kalena ay dhagaysanayeen doodaha ay dhinacyadu khilaafku ka dhaxeeya ay qabaan. Waxa kale oo wararku sheegeen in kulankan dhinacyada khilaafku uu ka dhaxeeyo ay uga qayb galeen Laba xubnood dhinac walba u matalaya,waxaana garabka uu hogaaminaayo guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uga qayb galay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Garyaqaan Maxamed Saalax Cige,halka garabka kale ee uu hogaaminaayo guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Md:Baashe Maxamed Faarax iyagana uu uga qayb galeen Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) iyo Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali(Bukhaari).oo xubnaha labadan dhinacba uga qayb galay ay ka mid ahaayeen guddiyo ay dhinacyada khilaafka aqalka wakiiladu ay u saareen ka qayb galka doodaha ay dhexdhexaadinayaan ergada golaha guurtida. Ugu danbayntii waxaa ay ila wareedyadu ay tilmaameen in ergada golaha guurtida ee dhex dhexaadinta khilaafka aqalka golaha wakiiladu ay dib ula balameen dhinacyada khilaafku uu ka dhaxeeyo,waxaana laga war sugi doona kulankan kulanka xiga talaabada danbe ee ay qaadaan ergada dhexdhexaadinta golaha guurtidu.