“Waxaan Ahay Murashaxa Madaxweyne-xigeen Ee KULMIYE”

0
536

Picture5Hargaysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), oo ka mid ah Xldhibinaada Golaha Guurtida, isla markaana ah  Afhayeenka Guurtida ayaa ku dhawaaqay inuu u taagan yahay Musharaxa jagada Madaxwayne ku xigeenka ee Xisbiga Kulmiye, waxa uu sheegay inuu kulamo la yeeshay Saddexda Musharaxa ee u taagan Madaxwaynaha ku qanciyay inuu u noqdo Hadba kii ku soo baxa Madaxwayne ku xigeen,waxaana uu rajo wacan ka muujiyay inuu kalsooni badan ku qabo inuu Xilkaasi hanan karo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho indho) ayaa wareysi uu siiyey Shabakada Hadhwanaag, sidoo kale tilaamay inuu Doorashada gaadhsiin doono meelo badan oo wali laga codayn,balse waxa uu cadeeyay haday xilka wayaan saddexdaas Musharax inaanu u taagnayn Madaxwayne ku xigeen, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay  “Guddoomiyaha Xisbiga Ucid oo hadal uu Guurtida ku durayo   Waxaan u sharaxanay Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa marka uu Madaxwaynaha Somaliland haakaha ka yidhaahdo xilkiisa,Ninka ay Golaha dhexe ee kulmiye soo saaro ee Sacad Muuse ah ayaan Madaxwayne ku xigeen u ahay,Madaxwaynahii ugu horeeyay Cabdiraxmaan Tuur Burco ayuu ka soo jeeday,Xajii Ibraahina Burco ayuu isna ahaa,Daahir Riyaalena waxa uu ahaa reer Galbeed Marna Xilka Madaxtinimada may qaban Reer Hargaysi.

Maanta haddii Nin reer Hargaysa Ahi is sharaxay in Bariga lageeyo ku xigeenka ayaa igu kalifaysa inaan noqdo Madaxwayne ku xigeen,lakiin haddii Siillaanyo is sharaxo anigu kuma xigo,balse waxaan ku xigaa nimankaas Sacad muuse ee madaxwaynaha doonaya.

Xildhibaan Indho-indho mar la  waydiiyey haddii cid kale ku soo baxdo tartanka Madaxwaynaha loo galayo kuna soo bixi wayaan Madaxda u taagan Beelaha Galbeed sida uu yeelayo ayaa ku jawaabay . ”Aniga haddii uu Nin reer Hargaysa ahi soo baxo oo Sacad Muusa soo bixi wayaan Kuma Xigo,Imika Nin Kijaandhe la yidhaah ayaa is sharaxay Niman kale ayaa ku xigeeno u ah inaanu kala leexano way qurux badan tahay,lakiin hadii ay Sacad Muuse xilka heli wayaan ana heli maayo”.

Xildhibaan Indho-indho ayaa mar wax laga weydiiyey inay Somaliland ka guurtay Habkii Qabiilka una Guurtay habkii Dumuqraadiyada waxa uu yidhi  “Beeshu iyadiibaa shiraysa oo leh marka uu haakaha yidhaahdo Odaygu ayaanu fuulaynaa,aniguna waxaan is idhi,iyaguna cod badan ayay leeyihiin ana cod badan ayaan leeyahay oo deegaanadii aan Doorashadu ka dhici jirin oo laga codaynayo ayay arki doonaan oo ah dadkii aanu matalaynay ah,qofna kaligii meel ma istaago, nimankaas kale waa lagu wada xigaa lakiin kuwan aan lagu xigin ayaan aniguna tageerayaa.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho ayaa mar wax laga weydiiyey cida isaga wadata waxa uu ku jawaabay  .”Adeer beeshayda ayaa iwadata deegaanka iyo dadkayga,waanan ku rajo waynahay inaan ku soo bixi doono,madaama oo ninka aan ku xigaa ku soo bixi doono,ileen awal manaan codayn jirine dhawr boqol oo cod ayaan keenayaaye oo dad aan awalba codayn jirin ayaa codayn doona.

Xildhibaan Indho-indho ayaa mar uu jawaab ka bixinaayey eeddoo loo soo jeediyey golihiisa ayaa yidhi “Oday Siyaasada ku Saaqidayna waxba isaga ka odhan maayo,adigu Hargaysa ayaa ku dhacday saddex jeer adiga oo iska sharaxay, lakiin anigu deegaankayga kuma dhacayo oo kalsooni ayaa ku qabaa,intaas waxa uu ku daray isaga oo midawga yurubna ka sii hadlaya.

Hortu Midawga Yurub waa Sideed iyo labaatan Dawladood Lix meelahaas ayaa wax bixiya,siday dalka wadooyinka ugu dhiseen waad garanaysaan qaar xayraamiina way leeyihiin,haday baxeen wax saamayn  ah oo ay dalka ku leeyihiin ma jirto,balse kuwii wax ina siin jiray way joogaan.

Xildhibaan Indho-indho ayaa mar uu ka hadlaayey Musharixiinta ay ka wada hadleen xilka Musharaxa Madaxweyne ku xigeen uu u noqonayo ayaa yidhi “Muuse Biixi Samaale iyo Maxamed Biixi kii Golaha Dhexe ku soo baxa waan ku xigaa Madaxwayne ku xigeena waan u ahay,anigu foodkayga waan haystaa Siddeed Magaalo oon codayn jirin ayaa food kooda haystaa,heshiisna waanu nahay dhamaan waana ay iga ogoladeen dhamaan inaan madaxwayne ku xigeen u noqdo”.