Hargeysa(Geeska)-Cabdixakiin Abiib Xaaji Cabdisalaan oo ah Nin dhalinyaro ah, isla markaana muddooyinkii u dambeeyey ku noollaa dalka Canada, gaar ahaan Magaalada Torronto ayaa markii ugu horaysay shaaciyey inuu yahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socota.
Cabdixakiin Abiib Xaaji Cabdisalaan waxa uu hore u ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Torronto ee dalka Canada, hase yeeshee imika muu magacaabin Xisbiga uu iska soo sharaxi doono, balse waxa uu sheegay inuu la tashi badan ka samayn doono Xisbiga uu iska soo sharaxi doono.
Haddab, Qoraal kooban oo uu Cabdixakiin Abiib Xaaji Cabdisalaan soo saaray ayaa waxa uu kaga hadlay shaacinta Murashaxnimadiisa, Tallooyinkii uu la yeeshay Waxgaradka iyo Aqoon-yahanka beesha iyo arrimmo door ah, waxaanu ku bilaabay sidan “Maanta oo taariikhdu tahay 21-ka bisha September waxaan shaacinayaa inaan ahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee fooda innagu soo haysa haddii Alle idmo. Arrinta ku saabsan Murrashaxnimadayda waxay ka dhalatay wada-tashi aan la sameeyey Dad kala duwan oo aanu isku beel ka soo jeedno, kuwaasoo ugu dhiiri-geliyey in maanta fursaddaasi ii banaan tahay. Sooyaalka siyaasadeed ee somaliland waayo-aragnimo badan ayaan u leeyahay, wakhti ka midana waan ku soo dhex-jirey oo waxaan ahaa Guddoomiyaha Torronto ee Xisbiga KULMIYE oo aan muddo badan ka shaqaynaayey.”
Cabdixakiin Abiib Xaaji Cabdisalaan oo waqtigii uu siyaasada ku jiray naf iyo maalba dul-dhigay Xisbiga Kulmiye ee taladda haya, ayaa waxaa uu sheegay in soo jeedimo badan oo kaga yimi wax-garadka dalka qaar ka mid ah iyo waliba taageerayaal ka tirsan beeshiisa ka dib uu ku qancay inuu shaaciyo Murashaxnimaddiisa. Waxaana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya. “Marka ugu horaysa waa waajib in Qofku wax doorto lana doorto, waxaanay ka mid yihiin Xuquuqaha aas-aasiga ah ee Muwaadiniinta reer Somaliland ka siman yihiin Dastuuriyan. Annigoo qodobkaas ka duulaya, waxaan halkan ka caddaynayaa in aan u taaganahay ka mid noqoshadda Murashaxiinta doorashadda Wakiillada ee soo socota haddii Ilaahay Idmo.”Ayuu yidhi
Cabdixakiin Abiib Xaaji Cabdisalaan oo waxaanu intaas ku daray “Waxaan Ogaysiinayaa amaba aan ku War-gelinayaa Taageerayaashayda iyo Asxaabtayda gaarka ahba, inaan ahay Murashax u taagan doorashada Golaha Wakiillada, waxaan ahay ninkii ugu horeeyay ee Waxgaradka beeshiisa ku war-geliyay damaciisa siyaasiga ah, waanay igu taageereen dhammaantood, waxaana u muuqatay in baahi loo qabo Xildhibaan danta qaranka iyo tan deegaankaba ka shaqeeya.”