“Waxa Xaqiiqo Ah Inaanad Madaxweyne Doonayn Mudo Kordhin Dambe Ee Dadka Kugu Qasbaya Iska Diid” Cali kubad

0
679

Hargeysa (Geeska)-Gudoomiye ku xigeenkii hore ee guddida doorashooyinka somaliland Cali Khadar Xasan(Cali Kubad) oo hada ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegay inaanu madaxweynuhu mudo kordhin danbe aanu diyaar u ahayn balse ay jiraan dadka doonaya inay madaxweynaha ku qasbaan inay doorashooyinku dib u dhacaan oo mudo kordhin loo sameeyo.

1

Cali Kubad oo waraysi gaar siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uu yidhi “ Xukuumada Kulmiye ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo waxa la doortay shan sano, shantiina way dhamaysatay waxaana loo kordhiyey laba sano oo dambe, labadiina waxay ku dhaw yihiin gabaabsi, waxa xaqiiqo ah inaanad madaxweyne doonayn mudo kordhin dambe  ee dadka kugu qasbaya iska dii doo doorashada qabo kuna dedaal inay doorashooyinku maalina dib uga dhicin.”

sidoo kale Cali Kubad oo ka hadlaya suurta galnimada inay mar wada dhacaan doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiiladu ayaa waxa uu yidhi “Labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiilada wakhti ayaa loogu tala galay inay dhacaan laakiin waxaan wali xal laga gaadhin saami qaybsigii gobolaa ee kuraasta wakiilada, si ay doorashooyinku mar u wada dhacaana waa in aad loo dedaala ama xalka ugu wanaagsan la gaadhaa”