“Waxa Innoo Muuqatay In Aan Jiritaanka Somaliland Dan Laga Lahayn oo Wax Kale La Wato”

0
436

Picture2Hargeysa(Geeska):-Inj.Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland, ayaa xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey in aanay wax dana haba-yaraatee ka lahayn sii jiritaanka dalka Somaliland, waxaana uu tibaaxay  in dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka ay xukuumaddu uga gol lahayd siddii ay ula sugi lahayd doorashooyinka la filaayo in ay sannadka 2016ka ka qabsoomaan dalka Somaliya, isaga oo sida oo kalena sheegay in qorshaha ay xukuumadda Siilaanyo wadataa uu yahay mid ay ku doonayso nidaamka Faderaalka ah isla-mar-ahaantaana  waxaa uu qaran dumis ku tilmaamay warbixin ay soo saartay Wiki Leaks taas oo sheegtay in ay xukuumadda Somaliland heshiis nidaamka Faderaalka ah ay la gashay dalka Somaliya.

Inj.Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay ka hadlaayey madal ay Isbahaysiga mucaaradku kaga hadlayeen warbixintan ay soo saartay Waki Leaks, waxaana uu yidhi isaga oo ugu horeyn arrimahaas ka hadlaaya:

"Arrimo badan oo mugdi ku jiray, ayaad mooda in arrintani ay daboolka ka qaaday, muddo shan sannadood ahna waa ay ahayd in ay dawladu ku qaado in doorashada lagu galo, shantii sannadood waa ay soo dhaafisay kolba waxay dib-u-dhigtaba, waxay ahayd in waxii ay sadexda xisbi saxeexeen iyo xukuumaddu ee madaxtooyada lagu saxeexay in lagu dhaqmo ayey ahayd. Madaxweynaha waxay yidhaahdaan doorasho gali maayo, isaguna murashax baan ahay muu odhan, ku xigeen murashax ahna ma laha, kolka dib-u-dhigan faraha badan waxa uu daarna ee aynu garan la'ayn oo aynu lahayn maxay u qabsoomi waayeen doorashooyinkii ilayn waa dawlad dhan oo intaas oo wasiir iyo intaas oo dad ah oo ay leedahay shuruudihii ay u dhammayn waayeen, waxaa imi soo if baxday in arrinta loo dib dhigaayey ee doorashada 2016ka loo qabanaayo la innoola sugaayey oo aynu ugu dhawaanay, waxaan qabaa in ay arrintani ka mid tahay oo dadka lagu sii cajis galinaayey oo inti innala shaqeyn jirtay berigii hore ee innoo heelanaydna ay ka baxeen oo illaa shirkii London markii laga qeyb-galay”. Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Marka arrinteenii wax kolba la soo jiidaba oo kolaba meel la soo dhigo imika ayaa Illaahay ka dhawaajiyey oo Wiki Linkes innagu maynaan diran oo war umaynaan haynin, dadkan iyo dalkanina nasiib ayaa ay leeyihiin, calanka tawxiidka ku qoran ayaa maanta nasiibka leh, waa ummad waxii soo qabsaday iyo sidii loo galay ee ka dhacay dalka waxa weeye Illaahay ayaa muujinaaya waxii la galay, kolkaa maanta meel ay ku rafataa ma jirtee dalku dadka reer Somaliland ha ka tashadeen, xisbiyadu ha ka tashadeen aqoonyahanku ha ka tashado, haddii ay tani sii socotana waxaa beri iman doonta in la yidhaahdo federaalkii ayaanu cadaysanaynaa berito ee ay kala daadato, Madaxweynahu doorasho ma doonayo ayuu yidhi, waa tan aanu u jeedin, kolka haddii aanu isagiiba u jeedin, wakhtigii ay Komishanku qabteen iyana waa lagu qaban karaa oo in lagu qabto ayey ahayd haddii ay ka daacad tahay, kolka waxa innoo muuqatay in aan jiri taanka Somaliland dan laga lahayn oo wax kale la wato, tii ayaan Illaahay ka shifay Wiki Leaks-na Illaahay khayr ha siiyo". Inj.Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ugu danbeyntii waxaa uu sheegay in uu ugu baaqayo bulshada iyo xisbiyada mucaaradku siddii arrintaas wax uga qaban lahaayeen. “Waxa weeye maanta khiyaamo qaran ayaa dhacday e' waa in siddii taas wax loogga qaban lahaa falowgeed la raaca oo maanta xisbiyada, waxgaradka iyo dadweynahaba u taala oo maanta badbaadada Somaliland ayey arrintenu tahay taas ayaan aynu ku shaqeynaynaa".Ayuu yidhi Inj.Maxamed Xaashi Cilmi.