“Wax Kasta Oo Lid Ku Ah Dhaqankeena Suuban Ee Diinteena Islaamku Inoo Jidaysay Aynu Ka Hortagno…”

0
510

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka digay wax kasta oo khatar ku ah nabadgalyada, xasilooni darana keenaya, waxaanu ku baaqay in nabadda la ilaaliyo, lagana dheeraado colaadaha.

Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in la ilaaliyo dhaqanka, lagana dheeraado wax kasta oo lid ku ah dhaqanka iyo Diinta Islaamka, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Qiimaha iyo nabaddu leedahay cidda aan haysan baa garanaysa, ee nimcada iyo qiimaha ay nabaddu leedahay aynu garano oo aynu iska ilaalino wax kasta oo nabadgalyo-darro inagu keenaya, nabad baa naas la nuugo leh, oo aynu ka digtoonaano wax kasta oo nabaddeena khal-khal galinaya, Beelaha dagaalku dhexmarayna, waxaan ku boorinayaa oo aan kula dardarmayaa inay dagaalka joojiyaan, oo nabadda qaatan”.

Mar uu ka hadlayey in laga dheeraado dhaqan-xumada ayaa yidhi “Waxaynu nahay dad islaam ah boqolkiiba boqol, waana wax ILLAAHAY loogu shugri noqon, ee Waalidiintu ha ka war hayaa ubadkooda, oo kor iyo hoosba ha ula socdaan, maxaa yeelay wax kasta oo dhalinyaradeena iyo ubadkeena mustaqbalkooda lagu baabinayo inaynu ogaano, oo aynu ka hor tagno ayaa wanaagsan, ha noqoto xashiishad, khamri iyo balwadaha kaleba, ILLAAHAY ubadka ha inooga badbaadiyey ee wax kasta oo lid ku ah dhaqankeena suuban ee diinteena Islaamku inoo jidaysay aynu ka hortagno, oo Waalidku ubadkooda xaalad kasta oo ay ku jiraan ha ka war hayaan”

Dhinaca kale, wuxuu ku taliyey in laga faa’iidaysto Biyaha roobka, oo lala yimaaddo tacab iyo wax soo-saar dhinaca Beeraha ah.