Wasiirul Dawlaha Waxbarashada Oo Booqday Dugsiga Dayib-Gurey

0
546

DAYIBHargeisa-(Geeska)- Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare, ee Somaliland. Axmed Nuur Faahiye, oo kormeer ku tagay Dugsiga sare ee Mujaahid Dayib Guray, ee magaalada Hargeysa, waxaabu Wasiirku soo wareegay Fasalada ay ardayda dugsigaasi wax ku bartaan oo ay ardayda dugsigaasi ku sameeyeen dayactir aan hore loo arag oo aad u balaadhan isaga oo Wasiirku uu si aad ah uga mafsuuday iskaashiga ku dayashada mudan ee ay ardayda dugsigani ku dayactireen fasalada ay wax ku baranayaan, waxaanu Wasuurul dawluhu uu qiray in dugsigani uu yahay kii horeeyay ee si iskaashi ah iskii wax u qabsada oo ay mudan tahay in si weyn loogu hambalyeeyo waxna loola qabto, waxaanu Wasiirul dawluhu, uu halkaa warbixin dheer oo ku saabsan horumarka iyo isbadalada wax ku oolka ah ee dugsigu uu ku talaabsaday uu ka dhegaystay Maamulaha Dugsigaas Guuleed Goohe Iidaan,

Ugu horayn, Wasiiral dawluha oo ka waramaya iskaashiga waxqabad ee ay ku talaabsadeen maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsigaas, waxa uu hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi,

''Ummadda Somaliland, Wallaahi weli maan arag intii aan Wasaaradda Waxbarashada Joogay dad ama arday sidan oo kale u shaqeeya, waxaana tihiin oo aad noqonaysaan kuwii ugu horeeyay, tusaale ayaad u noqnaysaan dhammaan ardayda kale ee dugsiyada Sare iyo kuwa dhexe ee Somaliland, oo dhan cidii u horaysay ee talaabaddaa horumarka leh qaadayna waa Dugsiga sare ee Dayib Guray, xaga Ilaahay-na xasanaad ayaad kaga helaysaa aadna waan idiiku hambalyaynayaa waxqabadkan taariikhiga ah ee wax ku oolka ah ee aad ku talaabsateen'', ayuu yidhi Wasiirul dawluhu.