Wasiirkii Hore Ganacsiga Oo Ku Taliyey In La Baadho Sababta Ay Maceeshadu Weli Qaali U Tahay

0
1036

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay qiimaha maceeshada ee wali qaali ah iyo qiimaha sarifka ee jabay, waxaanu tilmaamay in la sameeyo cilmi baadhis arintan ku saabsan si loo ogaado halkay wax ka khaldan yihiin, waxaanu soo jeediyey inay arintan iska arkaan aqoonyahanka Somaliland iyo Ganacstadu si xal loo raadiyo.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Dawladdu wey dadaashay, qolada Baankuna wey dadaaleen, oo si fiican bay wax u qabteen, laakiin dhibaatada ina haysta ayaa ah marka uu sarifku hoos u dhaca in aanay maceeshaduna hoos u noqon,kolay maceeshadiina wax la xadidi karo, oo la kantarooli karo maaha, qiimaha maceeshada waxaa laga soo eega marka aad LC leedahay, markaas ayaa la xidi karaa, inagana suuqeenu waa xor, laakiin in la isku dayo in maceeshada la xadido, oo dadka loo jabiyo, waa wax meesha ku jira”

Mar uu ka hadlaayey sida uu u arko xalka ayaa yidhi “Arintanta ugu muhiimsan ee loo baahan yahay waa in laga fikiro oo la is weydiiyo waa maxay sababta markuu sarifka   jabo, maceeshadu maxay u raaci la’dahay, maxay Ganacsadu rabtaa, waxaa meesha ku jira waa in la ogaada,  dadka aqoonyahanka ah iyo Ganacstadu inay arintan iska arkaan, oo laga wada hadlo ayaa muhiim ah, sidan waxba ku sii socon mayaana suurtagalna maahe, waa in  la sameeyo daraasad iyo cilmi baadhis qoto dheer oo ku saabsan sababta keentay markuu sarifku jabo maxay meeshaduna u jabi la’dahay, Caalamkana wax walba waxaa laga diyaariyaa cilmi baadhis, iyo daraasado kadib ayaa xalka la gaadha, waana muhiim inay mar walba isku xidhnaadan Wasaaradda Ganacsiga iyo Ganacstadu, iskana war hayaan, hadba halkay wax marayaan, maalmahana waan arkaayey oo Dawladda dadaalo ayey waday, laakiin waa Ganacstadu inay dhankooda u naxariistaan dadkooda oo raashiinkana  inay u jabiyaan ayaa loo baahan yahay, bishii khayrka badnayd ee ramadaana fooda ayey inagu soo haysa, ee Ganacsatadu dadkooda hoos ah u gaadhan, oo ha u naxariistaan, raashinkana ha u jabiyaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here