Wasiirka Wershadaha Somaliland Oo U Jawaabay Wasiirka Dekedaha Ee Somaliya

0
619

Picture2Hargeysa(Geeska):-Wasiirka warshadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa si adag uga jawaabay hadal cunfi ah oo ka soo yeedhay wasiirka warshadaha iyo maamulka dekadaha Somaliya Md.Nuur Faarax oo ku saabsanaa dekada magaalada Barbera oo muddooyinkii danbe la sheegayey in gacan kale lagu wareejin doono, waxaana uu ku sheegay in wasiirka Somaliya aanu xukumin waxyaabaha ka socda gudaha Somaliland, hadalka ka so yeedhayna uu yahay mid aan lahayn wax ka soo qaad, waxaana uu ku tilmaamay in uu yahay wasiir calooshiisa u shaqaysta ah oo lagu illaaliyo Taangiyo ay wadaan ciidamada Amison ee dalka Somaliya.

Md.Shucayb Maxamed Muuse, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu sheegay in dekada Barbera lagu wado horumarin iyo maalgashi sidaas awgeedna ay ka mas’uul tahay dawlada Somaliland oo aan cidnaba kala tashanayn horumarinteeda.

"Waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrinta dekada Barbera oo dad kale oo aanay shaqadoodaba ahayn oo wasiiro sheeganayaa in ay ka hadlaan, waxaan odhan lahaa dekada Barbera dawlada Somaliland ayaa xil ka saaran yahay in maal galin loo raadiyaana waa arrin aad iyo aad muhiim u ah intaas oo jeer ayaana dekada la soo maal galiyey, intaas oo jeerna waa la dhisay haday tahay Maraykanka, haday tahay Turkiga cid kasta oo tahayba oo ay dawladu u aragto in ay maal galinayso dekada Barbera waa wax loo baahan yahay weeyaan, mas'uuliyadeeda iyo xilkeeduna waxaa uu saaran yahay dawlada cidna loo dabo fadhiisan maayo.”.Ayuu yidhi Md.Shucayb Maxamed Muuse.

Wasiirka warshadaha Somaliland, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaa se wax la'la yaabo ah oo ah arrinta ay dadka reer Somaliland la yaaban yihiin waxa weeyaan nin ka tirsan dawlada Xasan Sheekh oo Taangi lagu illaalinaayo oo hal Km wax aan dhamayn inta ay ku war wareegaan yidhaahda dawlad ayaanu nahay in ay ka hadlaan ama uu xalay si badheedh ah uga hadlay oo indho la'aan ah isaga oo iska indho tiraaya xaqiiqda ka jirta Somaliland, dawladnimadeeda, xoriyadeeda iyo madaxbanaanideedaba iyo intaba waxii ay umaddani go'aan satay.inta uu aad yar Tv-ga soo fadhiistay uu yidhaahdo ma ogalaanayno in Barbera wax lagu sameeyo, runtii waxaan ku leenahay waad iska hadashay, waxaan kuu haysanaa in aad tahay nin calooshiisa u shaqayste ah oo u shaqo tagay meesha iyada ah Illaahayna waa kii umadda kaa qabtay inta aad urur siyaasadeed la timid oo Gurmad la yidhaahdo aad furatay oo marka horeba aan aamin sanahay hadaladan kaa soo baxaaya awgeed in aad marka horeba aad xagaas shidaalka lagaaga soo shubay in Illaahay umadda kaa qabtay.".