Wasiirka Waxbarashada Oo Sheegtay In Dib U Habayn Lagu Samaynayo Manjahka Waxbarashada Somaliland

0
678

Picture2Hargeysa (Geeska)- Wasiirka wasaarada waxbarashada ee Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ka hadashay kulan dib loogu eegeeyey tayada waxabrashada Somaliland ee sanakd 2014, kaas oo uu ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka iyo Hay’addaha Somaliland kala shaqeeya dhanka waxbarasahda

Wasiirka waxbarashada ee Somaliland ayaa kulankaasi ka sheegtay in wasaarada ahaan ay door bidayaan in la helo dib u soo noolayntii wixii la odhan jirtay dugsiyada xirfadaha oo ay sheegtay in haatan dalka aad ugu baahan yahay, iyada oo tusaale u soo qaadatay shaqaalaha ajaanibka ah ee ka shaqeeyaha goobaha dhismayaasha sida dhismaha, laamiyada.

Wasiirka ayaa sheegtay inay sameeyeen cilmi baadhis la xidhiidha xirfaha Somaliland ahaan loo baahan yahay ee shaqo abuurka samayn kara, waxaanau sheegtay in hada ay u hadhsantahay hirgelinta dugsiyada, waxaanay tidhi “Waxaanu xooga saaraynay waxbarashadii la odhan jiray xirfada, wadankeena markaad eegto dhismayaasha ka socda, wadooyinka la dhisaayo, hadaad u fiirsataan waxaa la keenaa oo dhisa dad ajinabiya, markaa xirfadaas dadkii lahaa way inaga maqan yihiin. Dugsiyada xirfahaduhu waxay noqdeen dugsiyo qaaliya oo ay lacagtoodu badantahay oo had iyo jeer Hay’adduhu ka soo maagaan, laakin inaga faa’ido inoo leh oo aynu doonayno in aanu aad uga shaqayno, waxaanu samaynay oo ay EU-da naga caawisay markii ugu horaysay in cilmi baadhis laga sameeyo Somaliland xirfaha ay u baahantahay kuwa ay noqon karaan, waxaana xataa loo sameeyey manhajkii iyo wixii lagu shaqaynaayey, dadkii masuul ka noqon lahaa oo ay ku jiraan waxbarashada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah ayaa loo sameeyey, taas ta ku xigtaana waxa weeyey in la sameeyo dugsiyadii oo dib loo soo nooleeyo”

Wasiirka ayaa intaas kadib sheegay in sanadkan ay ku hawlan yihiin sidi ay somailand qaybteeda uga qaadan lahayd diyaarinta imtixaanadka oo ay awal hore soo diyaarin jireen midawga Yurub, waxaany tidhi mar ay arrintaas ka hadlaysay “30% inay Somaliland bixiso diyaarinta imtixaanaadka goobaah waxbarashada, inta kalana ay EU-da naga bixiso, hadhawna uu noqdo wax aynu leenahay oo aanay cidna naga caawin”

Ugu danbayntii wasiirka waxabrashada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ka hadashay in wakhtigan loo baahan yahay sidii dib u eegis loogu samayn lahaa manhajka waxbarasho ee Somaliland, waxaanay tidhi “Manhajka waa in mar kasta la eega, hadii aan la eegin oo wixii ka qaldanaa aan wax laga qaban oo kaynu 19910kii samaysanay ma daba socon karno, markaa waxaa la wadaa in dib u eegis lagu sameeyo manhajka oo ay cid waliba fal celin (feedback) ku yeelato oo dabeeto uu inoo soo baxo manjah ina anfaca”