Hargeisa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud ayaa Xarunta-dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ku qaabilay wefti sare oo uu hogaaminayey Uqaabilsanaha Somaliland Ee Baanka Adduunka {Country Manager} Mr. Hidek Matsunaga ayna weheliyaan Marwo: Kaltun Mohamed Hassan Madaxa Xafiiska IFC {Country Manager} iyo Christoph Oberlack oo ah lataliye ka tirsan ETC.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd:-
- Sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda Baanka aduunka ee ka socota Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.
- Sidii loo dhamaystiri lahaa dhamaan hawlaha ka qabyada ah mashaariic Lix ah (6) (pipe li) oo dhawaan ka fuli doona Somaliland
- Horumarinta iyo Fudeydinta nidaamka xisaabaadka ee mashaariicda Baanka aduunka.
- Sidii somaliland ay u heli lahayd saamiga dhabta ah (Fair share) ay ku yeeelanayso mashaariicda Baanka.
U qaabilsanaha Baanka-adduunka ee Somaliland ayaa ku amaanay Dawladda Somaliland xidhiidhka wanagsan ee kala dhaxeeya iyo sida ay mar walba uuga go’anatahay in mashaariicda Baanka-adduunku u fulaan sidii loo qorsheeyey, waxaanu balan qaaday in ay Somaliland iyo Wasaaradda maaliyadda ay kala shaqayn doonaan sidii loo heli lahaa mashaariic wax ku ool ah oo laga fuliyo Somaliland, kuwa hada socdana si fiican looga faaiideysan lahaa.
Kulankan ayaa kusoo gebogeboobay is fahan buuxa oo ay yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha iyo Baanka-Aduunku.