Wasiirka Tamarta Oo Ku Dhawaaqay Magacyadda Shirkaddo Ku Guuleystay Mashruuc UK Maalgelinayso

0
518

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqday Magacyadda 6 Shirkaddood oo muxali ah kuwaas oo ku guulaystay inay Lix Magaalo oo Somaliland ah ka fuliyaan  Mashruuc Ingiriisku Maalgelinaayo oo Tamarta Cadceeda Korontadda Laydhka lagaga dhalinaayo, kaas oo noociisu Somaliland ku cusub yahay.

1

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa Shir Jaraa’id oo uu shalay Xarunta Wasaaraddiisa ku qabtay Warbaahinta kula hadlay, ayaa ku dhawaaqay inay Lix Magaalo oo goboladda dalka ka mid ah ka fulinayaan Mashruuc noociisu markii ugu horaysay ee Somaliland laga hirgeliyo noqon doono, kaas oo ah in Tamarta Cad-Ceeda laga dhaliyo awooda Korontada Laydhka, waxaana Mashruucan maalgelinaaya Hay’adda DFID ee dalka Ingiriiska oo mashruucan ay uga wakiil tahay Hay’ad kale oo la la yidhaahdo SS, waxaanu sido kale wasiirku soo bandhigay magacyadda 6 Shirkaddood oo kuwa waddaniga ah ee dhanka Korontadda Laydhka Magaalooyinka Somaliland ka hawlgala oo ku guulaystay inay dalka ka fuliyaan mashruucaasi.

Md Xuseen Cabdi Ducaale oo ugu horeyn faahfaahin ka bixinaayey Mashruucan cusub ee dhanka Tamarta looga faa’iidaynaayo magaalooyinka Somaliland iyo cida maalgelisay wuxu yidhi “Maanta waxaanu Saxaafadda iskugu kiin yeedhnay in aanu shaacino oo umadda reer Somaliland ee aadka u qaaliga ah u sheegno 6 Mashruuc oo iskugu jira Koronto laga dhalinaayo Cadceeda iyo Mishiinadda Caadiga ah laga dhalinaayo in aanu halkan ka shaacino iyo in Mashaariicdii hawsha lagu hirgelinlahaa la saxeexay oo Lixda Mashruuc waa kuwo dalka oo dhan ku baahay oo Lix magaalo oo dalka ka mid ah ayuu ka hirgeli doona oo hawsha aanu maanta halkan ka shaacinaynaa waa dedaal mudo laba sanno ah nagu jiray oo aanu iska kaashanaynay Hay’adda Sama-falka ee dalka Ingiriiska ee DFID cida ay u soo dirtay inay mashruuca fulisaana waa hay’ad la yidhaahdo SS ayey aheyd oo mudo dheer ayey hawshani soo jiidantay oo soo socotay, maanta marka farxad weyn ayey inoo tahay inay hawshaasi soo afmeerantay oo 6-da magaalo ee aanu idiin sheegi doono ee laga fulin doono Mashaariicda oo saro u qaadi doona isticimaalka Korontadda, kolka hawshan maanta halkan ka socota waxay ka mid tahay horumarka dalka Somaliland ka socda dawladda uu madaxweyne md Axmed Maxamed (Siillaanyo) Madaxweynaha ka yahay ee socday dawladdu wadatay, arintan ay maanta dawladdu goboladda dalka ka fulinayso waxay keeni doonta inay hoos u soo dhacdo Qiimaha bulshadda Macaamiisha u ah Shirkaddaha Korontada, isla markaana ay shirkadduhu macaamiil fiican gaadhi doonaan”

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo dhanka kale ka hadlaayey cida Mashruucan fulinaysa iyo dedaalkii loo soo galay in Somaliland ku guulaysato waxa uu yidhi “Mashruucani Hay’adda la shaqaynaysa halkan ayey joogaan oo Xafiis ayey Wasaaradda ku leeyihiin, mudo laba sanno ahna way na la shaqaynayeen oo laba sanno ka hor ayaanu Saraakiishan maanta ina la jooga Hargeysa kula kulanay oo aanu la soo qaadnay inay na la fuliyaan oo noo maalgeliyaan mashruuca si loo dhiirigeliyo ka faa’iidaysiga Tamarta, Alxamdulilaah maanta waxaynu joognaa inay hawshaasi soo dhamaatay oo inoo fulayso mashruucani waa mid hor dhac ah oo hadii uu inoo fulo oo guulaysto yeelanaaya, khibrada aynu ka helo inta uu socda mashruucani ayaa lagu hawlgeli doona marka dambe, sida lagu bilaabay mashruucana waxa weye markii hore Kombaniyadda dalka ka fuliya ee siiya Adeega Korontadda Dabka ee bixiya ayaa loo gudbiyey waraaq Arji ah oo la yidhi ka soo qaybgala oo la yidhi soo gudbiya mashaariic taabo gal ah, waxa weeye tartan ayaa la galayaa oo maaha wax cid uun dusha laga saaray 6 Shirkaddood, waa wax dalka oo dhan laga fuliyey oo Wargeysyadda lagu qoray oo la yidhi wixii u qalma ee Qiimaha adeega Korontadda ee ay bixiyaan umadda ka jabinayaa ha soo qortaan mashaariic dhaxal gal ah meesha ay doonaanba ha noqdaane, marka 23 shirkaddood ayaa codsiga soo qortay oo dhamaantood dalka Somaliland goboladiisa ka wada kooban ayaa soo qortay, marka Hay’adda DFID hay’addii kale ee ay soo diratay ee SS iyo wasaaradda ayaa Imtixaanka 23 shirkaddood Arjiyaddooda wada eegay”

Md Ducaale waxa uu ugu dambeyntii soo bandhigay Mashruucan magacyadda Shirkaddaha muxaliga ee tartan ay u galeen ku soo baxay inay magaalooyinka dalka ka fuliyaan waxaanu yidhi “Ka dibna waxay iskugu soo urureen 12 shirkaddood kuwaas oo u gudbay wajiga 2aad, waxaana wajigii kale ee lagu sii kala saarayey lagu yidhi 12-na shirkaddood si fidsan u sharaxa qaabka aad u fulinaysaan iyo faa’iidada uu mashruucani umadda u yeelanaayo, marka kolkii12-kii kombani qiimeyn kale lagu sii sameeyey waxa ka soo hadhay 6 Kombani, Lixda shirkaddood oo iyagu ku guulaystay inay fuliyaan mashruucan maalgashigan ay dawladda Ingiriisku ina siiyeen ee dhanka Tamarta Cadceeda, Lixdan shirkaddood ee ku guulaystay inay mashruucan naga la shaqeeyaan Lix magaalona ka kala fulin doona mashruucan dhanka tamartu waxay kala yihiin Kombaniga Badhan Logistic Company oo magaaladda Badhan ka hirgelinaaya mashruucan 2. Beder Electricity Company oo magaaladda Sheekh ka hawlgelinaaya mashruucaas 3. Som-Bower Company oo magaaladda Gabiley ka hirgelinaaya mashruucan, 4. Shirkadda Eeko oo  magaaladda Burco  ka hirgelinaaya mashruucan 5. Shirkadda Telesom oo  magaaladda Buuhoodle ka hirgelinaaya mashruucan 6. Shirkadda ALOOK oo  magaaladda Boorame ka hirgelinaaya mashruucan, Lixda shirkaddood ayaa lixda magaalo ka hirgelin doona mashruucan runtiina waa maalin cusub oo Somaliland u dhalatay xaga tamarta iyo Korontadda waana mashruuc taabo gal ah dalkana u baneyn doona dariiq cusub oo dhanka isticimaalka Tamarta Cad-Ceeda ah”