Wasiirka Madaxtooyada Oo U Hanjabay Saxaafadda Qaarkeed

0
557

Hargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa hanjabaad iyo digniin u dirtay qaar ka mid ah warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland oo uu ku eedeeyay inay warar dacaayad ah ka faafinayaan heshiiska dekedda Berbera.

1

wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, oo habeen hore hadal ka jeediyay xaflad loo sameeyay weftiga uu ka tirsanaa ee Dubai ku soo saxeexay heshiiska Somaliland iyo shirkadda DP world, wuxuu saxaafadda qaarkeed ugu hanjabay in dalka laga qaban doono, “Waa nasiib darro qaybo ka mida warbaahinteenu iyadoo dunida sidaa inoo amaanayso oo magaceenii iibinayso ayey been iyo hadalalo yaqyaqsi leh ka qorayeen hesiiska, wuu burburay iyo waxan ayaa ku jira iyadoo la wada arkayo iyo gacan sadexaad ayaan saxeexday, waa wax aad iyo aad u fool xun oo qarankan sumcadiisa ceeb weyn ku ah, qarankan ma laha xisbiga KULMIYE Iyo xukuumadiisu, Axmed Siilaanyo iyo golaha wasiiradu kaligayo ma laha Umadda oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa qaranku, maalinba cidbaa madax ka ah masuuliyadiisana ay tahay qofku inuu aragti dheer yeesho ayaa muhiim ah, haduu ku saleeyo garaad yar waa nasiib darro, dadkaa aan ka hadlayo waxa weeye waa rag kooban oo qalin duurayaal saxaafadeed ah oo si khaldan u adeegsada warbaahinta madaxa-banaan, oo u qaatay mihnada saxaafaddu inay tahay meherad lagu maxaafsado, ama lagu qadhaabsado, saxaafaddu maaha mihnad lagu qadhaabsado waa mihnad Umadda u dhex ah, xogo rasmiyana siisa, warar dhab ah siisa, xaqaa’iqa jira ka turjunta, dareenka bulshada muujisa, wacyigalisa, warbaahintu xikmad balaadhan ayey leeyahay, qarankan warbaahintiisa mudakarka ah ee doorka dheer ka soo qaatay intii qarankani uu jiray waanu ku hambalyeynaynaa. Waxaanu leenahay raga noocaa u fakaraya waanu u caqli celinayaa waanu waaninaynaa.”

Isagoo wasiirku hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Nabad galayada qarankan iyo sumcadiisa in meel lagaga dhaco xukuumad ahaan inamada sidaa samayna waanu u caqli celinayaa haday ka waantoobi waayaaana waxay tagi doontaa in la toosiyo, qarankan qori ayaa laga soo xoreeyey, maalin ayuu qorigu khatar ku ahaa , oo wado walba wiil qori sitaa taagnaa oo baad dadka xoog kaga qaadayey, nin qori leh ayaa qarankan laga xoreeyey, waaba se nin qalin haysta oo budhcad badeed noqday looma dulqaadan karro, waanu ka xoraynaynaa.”

Wuxuu ugu dambayn sheegay in saxaafadda qaarkeed caydo Madaxweynaha iyo marwadiisa, waxaanu yidhi “Dul baanu u leenahay dhaliisha, ka guban mayno cayda, madaxweynaha qaranka u sareeya ayaa maalin walba la caayaa, oo xushmad leh oo haybadii qaranka xanbaarsan, waxa la caayaa marwadiisa, waxa la caayaa masuuliyiinta wasiirada ah, maalin walba waa nala caayaa, dul baanu u leenahay dhaliisha iyo toosinta, intaba waanu ogol nahay hasayeeshee in qaranka la magac dilo, la maamuus tiro aqbali mayno, Warbaahinta madax abaani xor uma aha tigidh free ahna uma haysato in qofku cidii doono uu caayo, in ciduu doono nashuushadeeyo, qarankan haybad dilo, wuxuu u madax banaan yahay inaan la cabudhin inuu war xaqiiqo ah soo bandhigo, inuu warar dhab ah soo saaro, maxkamada ayaanu la tiigsanaynaa sifro sharci ah ayaanu wax ugu qabanaynaa.”