Wasiirka Madaxtooyada Oo Maanta Safar Ku Tagaaya Kenya

0
493

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa la filayaa inuu maanta safar ku tago magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska wasiirka oo faahfaahin ka bixiyay ujeedada safarka wasiirka, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in safarka wasiirku la xidhiidho qaban qaabada socdaal ay suurtogal tahay inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku tago magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ka dib markii uu martiqaad ka helay qaar ka mid ah madaxda sare ee dalkaas. Wasiir Xirsi ayaa la filayaa sida ay wararku sheegeen inuu la kulmi doono qaar ka mid ah madaxda Kenya oo ay ka wada hadli doonaan safarka Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guud ahaan xidhiidhka labada dal.