Wasiirka Macdanta Oo Hortagay Gudida Illaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada

0
781

Picture3Hargeysa(Geeska)-Gudida Illaalinta Hantida Qaranka Iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kulan xogwaraysi ah la yeeshay Wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Md:Xusseen Cabdi Du’aale.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta uga xog-waramay waxyaabihii ay ka wada hadleen Wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Md: Xussen Cabdi Du’aale,waxaana uu sheegay in ay ka xogwaraysteen hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayo,waxaana uu tilmaamay in si waafi ah oo tifatiran ay uga xogsiiyeen hawlaha waxqabad ee Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Somaliland mudadii ay Afarta Sano ahayd ee ay Masuuliyada Wasaaradaas uu gacanta ku hayey.

"Waxaanu hada(Shalay) ka soo baxnay Xogwaraysi ay Gudida Illaalinta Hantida Qaranka u qaabilsan Golaha Wakiiladu nala yeesheen,waxaana ay gudanayeen Waajibaadkoodii dastuuriga ahaa oo in ay warbixin ama xogwaraysi ay nala yeeshaan Wasaarada Macdanta iyo Tamarta,markaa si fiican oo tifa-tiran ayaanu ugu waranay gudida,waana ay ku mahadsanyihiin gudidu in ay Mas'uuliyaadka iyo Waajibaadka aanu Qaranka u hayno ay naga waraystaan,si fiican oo hagar la'aan ahna waa ay noo waraysteen,anaguna si fiican oo hagar la'aan ah ayaan ugu waranay"Ayuu yidhi Md:Xusseen Cabdi Du’aale. Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Md:Xusseen Cabdi Du’aale waxaa uu sida oo kale  uu sheegay in ay ka xogwaraysteen Dakhliga ay ka soo hooyaan heshiisyada shirkadaha shidaal baadhista iyo Macdanta ay la galaan,iyo sida oo kale meelaha ay ku baxan Miisaaniyada Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland.waxaana uu carabka ku dhuftay in dakhliga ay soo hooyeen mudadii Afarta Sano ahayd ee uu Masuuliyada Wasaarada hayey ay soo xareeyeen dakhli ka badan kii Xukuumadii ka horeysay ay soo xaraysay.

"Waxyaabaha ay Muhiimada saarayeen runtii ee ay naga waraysteen waxaa ka mid ahaa Dakhliga aanu heshiisyada uga soo hoynay,waanan uga waranay Afartaa Sano ee aanu Masuuliyada haynay in aanu u soo xaraynay dalka Lacag dhan Afar-Malyuun oo dollar oo aan anagu ka soo xaraynay heshiisyada shidaal baadhista iyo Macdanaha,taas oo aanu markii aanu dib u eegnay heerka aanu anagu rikoodhka ku hayno,in ay barbar dhigeen Sideedii Sano ee ina soo dhaafay,markii ay eegeen Lacagta caynkaas oo Wasaarada intii aan Masuulka ka ahaa waxaa ay ahayd 185-kun oo dollar muddo Sideed Sanadood ah,anaguna muddo Afar Sanadood gudahooda waxaanu ku soo xaraynay Lacag dhan Afar Malyuun iyo Badh,waxaa ay sida oo kale ay naga waraysteen Miisaaniyada Wasaarada”Ayuu yidhi Md:Xusseen Axmed Du’aale. Md:Xusseen Cabdi Du’aale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaas ku daray:“Waxaana inta badan ay Miisaaniyada Wasaaradu ay inta badan ay ku baxdaa Mushaharka Shaqaalaha,waxaana xusid mudan in dakhliga aanu soo xaraynay uu Miisaaniyada Wasaarada ee sanadkii ku soo laban laabmayso  afar iyo toban jeer, markaa wixii aanu haynay wax aad u badan ayaanu ka soo saarnay, war fiican oo tafatiran oo meelo badan taabanaya ayaanu uga waranay heshiisyada Shiidaal Baadhista ah ee Wasaarada ku jirto, halka ay hawshu marayso, heshiisyadani nooca ay yihiin, aadna way ugu qanceen warbixintayadii iyo wixii wax qabad ah ee wasaarada ka qabsoomay mudadaas afarta sanadood ah.” Ayuu yidhi wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland