Wasiirka Maaliyadda Oo 1,200,000  Dollar Ku Wareejisay Komishanka Doorashooyinka

49
758

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay Komishanka Doorashooyinka  Qaranka ku Wareejisay $1,200,000 (Milyan iyo Laba Boqol oo Kun oo Dollar) oo ka dhinayd lacagtii ay xukuumadu Somaliland hore u balanqaaday oo ay qabtii hore dhawaan lagu wareejiyey komishanka doorashooyinka.

Lacagtan $1,200,000 ee ay shalay wasiirka maaliyadu wareejisay ayaa waxay komishanku ugu talo-galeen in lagu qabto hawlaha qaybinta kaadhadhka codbixinta ee dalka ka bilaabantay.

Munaasibadii Wasiirka Maaliyadu ay lacagtaasi ku wareejinaysay oo maanta ka dhacday Xarunta Wasaarada Maaliyada oo ay ka soo qaybgaleen Wasiiradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan Madaxtooyada Maxamuud Xaashi, Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Xisaabiyaha Guud  ee  Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa ugu horayn waxa halkaasi ka hadashay Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaanay tidhi “Maanta waxa aanu halkan ku fadhinaa Wasiirka Madaxtooyada, Xisaabiyihii Guud, simihii Baanka Dhexe, Guddidii Doorashooyinka Qaranka. Halkan waxa aanu maanta ku bixinaynaa $1,200,000, (Milyan iyo Labadii Boqol Ee Kun Ee Dollar), waxa halkan jooga Baankii oo isaguna xaqiijinaya in lacagtaasi ay ugu shubaan Accoun-ka Komishanka Doorashooyinka iyo Xisaabiyihii guud oo isaguna soo diyaariyey Milyan iyo labadii boqol ee kun ee dollar.”

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa isaguna Wasiirka Maaliyada iyo guud ahaan Xukuumada uga mahadnaqay sida xukuumadu ay hawlgashay ugana qayb qaadato doorashooyinka iyo diiwaangalinta dalka, isagoo Gudoomiyaha Komishanku arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu ugu mahadnaqaynaa Wasaariiradda Maaliyadda Marwo Samsam siday uga hawlgalaan qaabkan doorashadeenu u socoto oo run ahaantii mid hawl badan ah, waxa kale oo aanu uga mahadnaqaynaa run ahaantii qaabkii ay dawladu uga qayb qaadatay isdiiwaangalintii oo run ahaantii ahayd mashruuc aad u weyn oo aynu ku soo guulaysanay” ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

 

Comments are closed.