Hargeysa (Geeska) Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Agaasimaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cabdilaahi Xasan Aadan ooShalay warbaahinta kula hadlay xarunta bangiga dhexe ayaa ka hadlay sarifka lacagaha Qalaad gaar ahaana dollarka oo cirka isku shareeray maalmihii la soo dhaafay, isla markaana marka lagu sarifayo lacagta Somaliland uu qiimihiisu gaadhay halka dollar, sideed kun oo shilinka Somaliland ah ($1dollar = 8,000SL/SH).
Samsam Cabdi Aadan waxa ay digniin u dirtay dadka ka ganacsada sarifka lacagaha, waxaanay ugu baaqday inay sarifka halkiisii ku soo celiyaan, hadii ay taasi suuroobi waydana ay dawladdu qaadanayso talaabo cad oo arintaasi ka dhan ah.
Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo arintaasi ka hadlaysaana waxa ay tidhi “Anagoo safar barriga ah ku maqnayn oo abaaraha ah oo imika uu roobii bilaabmay oo uu meelo badan ka curtay, waxa dhacday in sarifkii dollarku uu kor u kacay oo sideed kun iyo dheeraad lagu sarifay halkii dollar, ummaddii aanu halkaa ku soo aragnay ee mushaharka yar qaadanaysay ay mushaharkii kor u hayaan oo uu waxba u goyn waayey.
Madaxweynaha oo aan la socday, waxa uu Madaxweynuhu amar igu siiyey inaan baanka ku hor dago oo aan kala hadlo dadka lacagta gacanta ku haya dollarka in ay u tudhaan umadda. Hadii ay u tudhi waayaana ay dawladdu masuul ka tahay sidaa loogu gurmaday abaaraha ee loogu xaytay in tana loogu xaydanayo, waayo ummadda waynu ilaalinaynaa haday kuwa miyiga jooga tahay iyo haday kuwa magaalada joogaba tahay. Waxa ka go’an dawladda in lacagta yare e ay wax ku iibsanayaan wax u goyn karto. Waxa aanu doonaynaa in aanu ka wada tashano dadka lacagta adagi gacanta ugu jirto ee dadkii ku dul baayacaya ee ka dilaalaya een abaar eegayn een waxba eegayn inay ummaddooda u tudhaan, hadii kale ay dawladdu go’aamo adag oo hadhowto aan ka farxin laga qaadan doono, hadii Illaahay yidhaahdo”.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee Bangiga Dhexe ee Somaliland Mr Cabdilaahi waxaanu yidhi “Hadii aan Askariga Jiida hore jooga uu mushaharka uu qaataa uu waxba u tari waayo dee waa mushkiladd. Imika waa wargalin, waxa loo sheegayaa dadka sarifka goysa in aanay dhaafinin heerka uu marayo, shilinka Somaliland inuu qiimo yeesho ayaa ka go’an Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Wasiirka Maaliyada, Gudoomiyaha Baanka Dhexe Iyo Madaxda Baanka Dhexeba” ayuu yidhi Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe Cabdilaahi Xasan Aadan.
Maaha markii u horaysay ee sarifka dollarka marka lagu sarifayo lacagta shilinka Somaliland uu kor u kaco, hase yeeshee waa mid soo noqnoqota maadaama oo inta badan wax lagu kala iibsado lacagta dollarka, iyadoo aan wax midho dhal ah laga haynin guddi uu hore madaxweynaha Somaliland ugu magacaabay inay ka hawlgalaan wax ka qabashada qiimo dhaca ku yimaada shilinka Somaliland.