Wasaaradda Caddaaladda oo Qabatay Kulan Dib loogu Eegaayo Qaybo-qoraalka Xeerka Tahriibka

0
669

Hargeysa (Geeska)- Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qabatay kulan dib u eegis lagu samaynaayo qabyo-qoraalka Xeerka Ka hortaga Tahriibta iyo ka ganacsiga dadka.

1

Kulanka oo lagu qabtay hudheelka Ambassador hal maalina socday waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadare, Wasiiru-dawladaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Cabdi Daahir Cammuud, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Agaasimayaasha Guud ee Arrimaha Gudaha iyo Ciyaarahaa, Taliyaha Ciidanka Badda, Taliyaha Laanta Socdaalka, Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo khubaro tiro badan oo xeerka naaqishaysay.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadare oo kulankan furay, ayaa sheegay in shirkan muhiim u yahay qaranka, maadaama lagu hagaajinaayo sharci lagaga hortagaayo tahriibta iyo ka ganacsiga dadka, waxa uu u soo jeediyey dhammaan hay’adaha dawliga ah ee kulankan qaybta ka ahaa inay soo saraan xeer dhaxal gal u noqon doona  Qaranka Somaliland si loo horgeeyo Golaha Wasiiradda, kadibna Golaha Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) looga ansixiyo.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Md. Xasan Axmed Aadan, ayaa xusay in xeerkan uu taabanaayo shaqada Xeer-ilaalinta, wax badan ka qaban doono yaraynta iyo ka hortaga tahriibta iyo ka ganacsiga dadka, loona baahan yahay in lagu eego il lexe-jeclo leh oo qaranka u danaynaysa.  Wasiiru-dawlaha Shaqada yo Arrimaha Bulshada Md. Cabdi Daahir Cammuud, ayaa xusay in xeerkan ay ka hawlgaleen hay’addo badan oo dawli ah, wasaaradooduna ay hormoodka lahayd, kana hawlgashay sidii loo keeni qabyo-qoraalka xeerkan.

Taliyaha  Laanta Socdaalka  Col. Maxamed Cismaan Caalin,  ayaa iftiimiyey dhibaatada ka haysata ka hortaga tahriibta, isagoo tilmaamay in xeerkan uu u noqon doono hub ay kula dagalamaan tahriibta iyo ka ganacsiga dadka, waxa uu  u soo jeediyey hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa dawliga ahba in la garab istaago ciidanka laanta socdaalka oo kaalin muhiim ah kaga jira tahriibta.  Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdisamad Cumar Maal, ayaa sharraxay xeerkan iyo qaybaha uu ka kooban yahay, iyadoo masuuliyiin ka socday hay’adaha dawliga ah ay fallanqeeyeen, soona jeediyeen qodobo iyo qaybo  xeerka ah oo u baahan in wax-ka-beddel lagu sameeyo.