Wasiirka Maaliyada Oo Daah-Furtay Qalab Casri Ah Cadaynaya Gaadiidka Aan Cashuurnayn

0
837

Hargeysa, (Geeska)- – Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa daafurtay hanaan cusub oo lagaga gudbayo Kantaroolada Magaalada Hargeysa, kaas oo lagu Rakibay Kamarado Casri ah kala saaraya  gaadiidka Cashuuran iyo kuwa aan cashuurta bixin.

Qalabkan Casriga ah ayaa gaadiidku marka ay soo gaadhaan Kaantaroolada Bariga iyo Galbeedka Magaalada Hargeysa waxa markaba Kamarada Ku Xidhan Kantaroolku ay U gudbinaysaa Komputerka oo laga ogaanayo macluumaadka gaadhiga Kantaroolka soo gaadhay oo hadii aanu cashuurnayn aanu Kantaroolka ka gudbi karin, isla markaana sheegaya qof baabuurka wata inuu muwaadin yahay in kale.

Adeegan oo markii u horaysay Somaliland laga hirgaliyey taariikhda ayaa ah goob baadhitaan ama goob kantarool oo laga soo galo galbeedka magaalada Hargeysa taasi oo agabka technologyyadu ay maamulayaan gaadiidka cashuuran iyo kuwa aan cashuurnayn gaar ahaana cashuurta wadamarista.

Waxaana la dhigay mishiino iyo kamarado kala garan kara, gaadiidka kuwa cashuuran iyo kuwa aan cashuurnayn, kuwaasi oo gaadiidka cashuuran u saamaxaya inay gudbaan oo ay magaalada soo galaan ama ay ka baxaan, halka kuwa kalena aanay u saamaxayn inay halkaasi dhaafaan.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo arintaasi daah furtay oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Halkan aanu maanta joognaa waa Kantaroolkii Hargeysa galbeedka looga baxayey waxaanu u samaynay Kantaroolka Bariga iyo Galbeedka Hargeysaba in sidaa aad arkaysaan kamaradiina ay taalo, Kombuyuutarkiina uu yaalo, kaas oo gaadhiga aan cashuurnayn ee aan sidan cashuurtii wadamarista iyo kala wareejinta, waxa soo saaraya Kombuterka markaa birtaasina kama furmayso, waxaanu dadweynaha reer Somaliland ee sharafta leh abaarina way ina haysaa, dhibaatona way ina haysaa, waxa aanu doonaynaa in aynu dakhligeenii si fiican u kordhino.

Gaadhigii bilaa cashuurta ah, waxba birtaa ha jiidhin, waayo waa la samayn doonaa hadaad jiidhana, waxaanu jecelnahay in aad cashuurta iska bixisaan oo ceebtaa la joojinayo oo gaadhigii ay birtaasi ku xidhmayso intaasaa ceeb ugu filan in cashuurta ay iska bixiyaan oo sidaa sharafta leh ay u maraan. iyagoo askari aanu la hadlin oo aan taraafigu la hadlin ayuu Kamaradaa iyo Komuterkaasi garanayaa gofkii gaadhiga lahaa, Lambarkiisii iyo cashuurtii inuu bixiyey iyo in kale ay soo baxaysaa oo birtaasina ay ka qaadmaysaa si sharaf leh ayay iskaga marayaan”.

Dhanka kale waxa iyaguna saxaafada la hadlay Siciid Nuur Cige oo ah farsamayaqaanada iyagu arintaasi hirgaliyey ee Shirkadda SAHAL GLOBAL, iyo sida Komputerada iyo Kamaradaha halkan ku xidhani ay kala gartaan  gaadiidka halkan maraya kuwa cashuuran iyo kuwa aan cashuurnayn ayaa waxa uu yidhi “Waxa aanu nahay shirkadii hirgalisay Kaantaroolkan casriga ah ee ay Wasaarada Maaliyadu maalgalisay   ee galbeedka Hargeysa bariga Hargeysana laga dhisi doono, waad aragteen waxa halkaasi ku taala Kamarad, halkaana waxa ku yaala Sensor, Sensor-kani waxa uu akhriyayaa cashuurta Wadamarista ee gaadhiga Wadada ku jira, kadiba waxa uu toos ugu gudbinayaa macluumaadka Komputerka, dabeetana waxa is furaya Kantaroolka ama Birta Istabta, markaa gaadhigii cashuurta leh ee kala wareejintana si fiican u sameeyey uunbaa mari karaya.Wixii kale waxa la macaamilaya Wasaarada Maaliyada”. Ayuu yidhi Siciid Nuur Cige oo ka tirsan shirkadda Sahal Global.

Qalabkan casriga iyo Technlogy-yadan ayaa filayaa inuu wax weyn ka badali doono dalka, isla markaana dakhli badan uu ka soo gali doono Wasaarada Maaliyada, waxaanu sidoo kale Caqabad ku noqon doonaa gaadiidka aan cashuurta wadamarista bixin.