Huda Cali Banfas Oo Soo Bandhigtay Buug Ay Ku Ururisay Sawiro Ay 5 Sanadood Kaydisay

0
760

"Wasiirka khaarajiga oo niyad sami ku qaabilay  buugan oo ay wasaaradiisu baahi weyn u qabtay"

Hargeysa(Geeska)- Huda Cali Banfas, oo ah gabadh dhallinyaro ah oo reer Somaliland, waxa ay Hargeysa ku soo bandhigtay  buug ay ku ururisay sawiro tiro badan oo ay ka qaaday deegaanada kala duwan ee Somaliland, kuwaas oo isugu jira sawiro ay ka qaaday deegaano taariikhi ah iyo kuwo kale oo soo bandhigaya bilicda deegaanada Somaliland.

Huda, oo habeen hore magaalada Hargeysa ku soo bandhigtay buugan, hadal ay jeedisay waxay ku sheegtay inay sawiradan ururinaysay muddo shan sanandood ah 2011-2016, iyadoo weliba ahayd ardayad iyo shaqaale. Huda oo dedaal muujisay waxay sheegtay inay buugan iyo sawirada ku jira ugu tallo gashay in lagu barto dhulka iyo deegaanada kala duwan ee Somaliland oo ay iyadu intooda badan ku martay safar.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, oo hadal ka jeediyay munaasibadda bandhiga buugan, ayaa sheegay in buugani yahay buugii ay ka’ wasaarad ahaan u baahnaayeen islamarkaana uu muddo ku fikirayay ciddii diyaarin lahayd, “Waase Alle mahadii haddii Huda ay inoo diyaarisay.’ ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire oo sheegay in buugani noqonayo kii u horeeyay ee uu qof Somalilander ahi diyaariyo.

Waxa iyaguna munaasibadda ka hadlay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Sharmaarke Geele, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Axmed Abokor, aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac iyo dadweyne kale oo Huda Cali Banfas ku bogaadiyay dedaalka ay muujisay iyadoo da’ yar.