Wasiirka Maaliyada Iyo Gudida Doorashooyinka Oo Kulan Ka Yeeshay Kharashka Ku Baxaya Doorashooyinka

0
786

Picture2Hargeysa(Geeska):-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale oo shalay kulan la qaatay xubno ka mida gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ay kaga wada hadleen suurta galinta miisaaniyada ay Xukuumadu qayb ahaan ku bixinayso qarashka ku baxaaya diiwaan galinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka ee la filaayo in ay dalka ka dhacaan sanadka soo  socda badhtankiisa ee Madaxtooyada Iyo Baarlamaanka.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu soo idlaaday Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale waxaa uu HCtv uga warbixiyey ujeedada kulankaasi,waxaana uu sheegay in ay gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranku u soo gudbiyeen miisaaniyada looga baahan yahay Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha in lagu fuliyo,isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in ay isla todobaadkan gudihiisana ay u balan sanyihiin in ay u soo gudbiyaan Qarashka Miisaaniyada ku baxaysa Doorashooyinka Madaxtinimada iyo Baarlamaanka.

“Waxaanu maanta kulanay(Shalay) gudidii Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo aanu runtii isla eegnay ama aanu wax iska waydiinay hawlaha Doorashooyinka ,waxaa ay noo keenen ugu yaraan Miisaaniyada looga baahan yahay Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha oo 3-Million oo dollar ah,waxaanu ka balan sanahay in maalinta Isniinta ah in ay noo keenaan qadarka Miisaaniyadeed ee Lacag ah ee ay ku baxayso doorashooyinka kale ee Madaxweynaha iyo ta kale ee Golaha Wakiilada ee markaa tiiyoo dee aanu Wasaaradaha oo dhan aanu doodo iyo falanqayn iyo talooyinba aanu kala yeelanay”Ayuu yidhi Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale waxaa uu sida oo kale uu sheegay in ay ka Xukuumad ahaan ay Miisaaniyada 2015-ka ay mudnaanta koowaad siin doonaan sidii ay doorashooyinku ay dalka uga dhici lahaayeen. Waxaana uu tibaaxay in ay si wayn Miisaaniyada 2015-ka ay ugu muujin doonaan kharashka ku bixi doona Diiwaangalinta iyo Doorashooyinka soo socda.

“Waxaa mudnaanta koowaad noo ah in aanu miisaaniyada si weyn aanu ugu muujino in ay Xukuumada ka go’an tahay in ay doorashooyinkaasi ay dhacaan,dhanka kalena waxaanu eegi doonaa runtii baahiyaha kala duwan,Miisaaniyada 2015-kuna waa ay ka badan doontaa miisaaniyadii hore ee 2014-ka,isla mar ahaantaana waxaa si cad uga muuqan doona miisaaniyada 2015-ka een doorashooyinka Qaranka ka dhici doona ee 2015-ka hadii Alleh uu yidhaahdo”Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland.