Wasiirka Khaarajiga Oo Difaacay Xaaladda Caafimaad Iyo Xil-gudasho Ee Madaxweyne Siilaanyo, Kana Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Ee Bisha Dambe

0
696

Picture8Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu sidii loogu tallo galay xilkiisa u guto, islamarkaana ay talada qaranku gacantiisa ku jirto.

Wasiir Biixi, wuxuu meesha ka saaray inaanay xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu wanaagsanayn, waxaanu cadeeyay in caafimaadka madaxweynuhu taam yahay. Wasiirku wuxuu arrintan iyo arrimo kaleba kaga hadlay waraysi ay shalay la yeelatay BBC World Service, kaas oo duhurnimadii shalay lagu  baahiyay barnaamijka caanka ah ee BBC World update. Weriye Dan Bamon oo ka mid ah saxafiyiinta ruug cadaaga ah ee BBC, qaybta dunida la hadasha ee caalamiga ah oo waraysiga qaaday, ayaa wasiir Maxamed Biixi weydiiyay, in aanay xaaladda Madaxweyne Siilaanyo wanaagsanayn iyo qorsheyaasha ay diyaarsadeen iyo weliba inuu diyaar u yahay inuu isagu madaxweyne noqdo, waxaanu wasiirka oo ku qoslay su’aasha saxafigu weydiiyay uu ku jawaabay,  “Waxaan aaminsahay inay xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu fiicantahay, wuu fiicanyahay, si fiican buu xilkiisa u gudanayaa, , waanu caafimaad qabaa, taladana isagaa gacanta ku haya, dhammaantayana waanu taageeraynaa, waxaanan isleeyahay weli wakhti uu sii shaqeeyo ayaa u hadhay.”

Wasiirka oo la weydiiyay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u socda, wuxuu yidhi,  “Waxa noo socda wada hadalo, waxaanan wada hadlaynay labadii sannadood ee u dambeeyay, waxaanan isu imanaynaa bisha dambe ee June, waxaanan aaminsanahay inay wada hadaladaasi keeni doonaan inaanu noqono laba qaran oo kala madaxbanaan.” Wasiirku, wuxuu sheegay inay Somaliland ka go’antahay inay Somaliya kala noqdaan laba qaran oo jaar ah oo iskaashada, “Somaliland waa dal madaxbanaan, waxaanan doonaynaa inaanu noqono laba qaran oo jaar wanaagsan ah oo iska kaashada arrimo badan.”

Wasiirku, wuxuu sheegay inay Somaliland dhistay nabadgelyo taam ah tan iyo markii ay Somaliya xorriyadeeda kala soo noqotay, waxaanu sheegay inaanay Somaliland doonayn inay ku noqoto xaaladda qasan ee Somaliya. Wasiirka, oo la weydiiyay rajada ictiraafka Somaliland, wuxuu yidhi,   “Ma jirto sabab aanu rajada aqoonsiga u joojinaa, sababtoo ah waxaanu rumaysananhay inaanu wax fiican qabanay, marka laga hadlayo nabadgelyada iyo degneaanshaha, waxaanu samaynay wax kasta oo qaran looga baahanyahay, aadna waanu ugu faraxsanahay inaanu gaadhnay, waxaanu rumaynsanay inaanu hayno waxyaabo badan oo aanu ku biirin karno adduunka, marka ay timaado nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta, waxaanan ku kalsoonahay inaanu aqoonsiga dhaqso u heli doono.”