Wasiirka Ingiriiska U Qaabilsan Afrika Oo Sheegay Inay Aqoonsanyihiin Himilada Somaliland, Balse Kala Gurashada Hargeysa Iyo Muqdisho Ay Somalida U Taalo

0
535

Picture7London(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay aqoonsantahay himilooyinka shacabka Somaliland, balse ay Somalida u taalo sida uu noqonayo xidhiidhka mustaqbal ee Somaliland iyo Somaliya.

Wasiirka Ingiriiska ee Afrika Mark Simmonds, oo shalay galab ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta uu ku leeyahay Twitterka, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka dhinaca hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya. Mid ka mid ah dadkii su’aalahaas weydiinayay ayaa wasiir Mark Simmonds su’aalay mar haddii uu Ingiriisku aqoonsaday dawlada federaalka Somaliya, bal in la gaadhay wakhtigii uu Ingiriisku ka shaqayn lahaa aqoonsiga Somaliland, ayaa wasiirku wuxuu ku jawaabay, “Waxaanu aqoonsanahay himilada Somaliland, laakiin Somalida ayay u taalaa inay ku heshiiyaan xidhiidhkooda mustaqbal.”

Su’aal kale ayaa la weydiiyay wasiirka oo uu nuxurkeedu ahaa in khilaafka dhinaca hawada ee ka dhex oogmay Somaliland iyo Somaliya uu waxyeelaynayo wada hadalkii u socday labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya, waxaanu Wasiirka oo su’aashaas ka jawaabayaa uu yidhi  “Arrimaha hawdadu waa dhab ahaan sababta ay Somaliland iyo Somaliya ugu baahanyihiin inay wada hadlaan.”

Wasiir Mark, ayaa waxa la su’aalay bal qiyaas ahaan wakhtiga uu filayo inay Somaliya lugaheeda dib isugu taagi karto, waxaanu yidhi “Labaatan sannadood oo colaado ah ka dib, Somaliya waxay samaysay horumar balaadhan labadii sannadood ee u dambeeyay. Waa inaynu ilaalinaa dedaalkaas.”

Mar la su’aalay sababta uu Ingiriisku u cambaarayn waayay dilalka ciqaabta ah ee uu maamulka Puntland ee Somaliya sida deg dega ah u fuliyo, wuxuu yidhi “Ingiriisku wuu ka soo horjeedaa dhammaan ciqaabta dilka ah meel kasta oo dunida ah. Dib u habaynta cadaaladu waa ahmiyada madaxweynaha [Somaliya], waxaan rajaynayaa inuu dhinacaasna eego.”

Mid ka mid ah dadkii su’aalaha weydiiyay ayaa su’aalay in dawladda Kenya ay dhibaato ku hayso dawladda Somaliya iyo dedaalka Ingiriiska ee nabadaynta Somaliya, wuxuu sheegay in gobalku ka shaqaynayo degenaanshaha Somaliya, Ingiriiskuna uu dhammaan dhinacyadaas oo ay Kenya ka mid tahay kala shaqaynayo sidii xal loogu heli lahaa Somaliya.