Muqdisho: Boqolaal Qof Oo Loo Xidhay Falalka Amni Daro Ee Ku Soo Badanaya

0
606

 

Picture4Muqdisho(Geeska)-Afhayeenka ciidamada AMISOM, ayaa ka hadlay  howlgallo ay booliiska dowladda Somaliya iyo kuwa AMISOM ka wadaan Muqdisho, ku waas oo lagu soo qabqabtay boqollaal qof oo u badan dhallinyaro.

Ciidamadu waxa ay sheegeen inay doonayaan inay meesha ka saaraan ami daro sii badnaysa ee muqdisho ka taagan Col.Cali Aadan Xumad oo saxaafadda kula hadlay xarunta AMISOM ay ku leedahay Muqdisho ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo amniga guud ee caasimadda lagu adkeynaayo, wuxuuna sheegay inay guri-guri u geli doonaan guryaha ku yaalla Muqdisho waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Howlgalladan waa kuwo lagu doonayo in lagu adkeeyo ammaanka Muqdisho maadaama Al-shabaab markii lagaga adkaaday dagaallada tooska ah ay billlaabeen inay dadka argagax geliyaan oo ay falal ammaan-darro abuuraan.”

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in howgalladan ay qayb ka yihiin kuwo ay AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ka waddo guud ahaan dalka Somaliya, si amaanka salka loogu dhigo “ Go’aankan lagu baadhayo xaafadaha Muqdisho waa mid ay gaadheen AMSIOM iyo dowladda Somaliya, waxaana lagu qabanayaa cid walba oo loo arko in ay ammaanka liddi ku tahay, si shacabka Somaliyeed ay u helaan amni ay ku mari karaan meeshii ay doonaan.”

Booliiska Somaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxay ka wadeen howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo howgalladii maanta la sheegay in lagu soo qabqabtay in ka badan 500 oo qof oo u badan dhallinyaro. Degmooyinka howgallada laga sameeyay maanta ayaa waxay kala yihiin Hodan, Wardhiigley iyo Dayniile, waxaana dadka lagu soo qabqabtay howgallada lagu xidhay xarunta CID-da Muqdisho iyo taliska nabadsugidda gobolka Banaadir.