Wasiirka Hawlaha Guud Oo Lagu Eedeeyay Inuu U Tafo-Xaytay Boobka Hantida Qaranka

0
894

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga UCID ayaa wasiirka hawlaha guud Md. Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ku eedeeyay inuu boob ku hayo hantidii qaranka.

Cabdiqani Ibraahim Salaf oo ka tirsan madaxda xisbiga UCID oo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu wasiirka hawlaha guud ku sheegay nin u tafo-xadayn boobka hantida qaranka. “Xisbi ahaan waanu ka soo horjeednaa in hantida qaranka laga faa’iidaysto markay doorashadu soo dhawaato, cali mareexaan waxaad moodaa inuu hawlihii qaranka meel iska dhigtay oo uu u labo diblaystay si uu hantida umadda u boobo.” ayuu yidhi siyaasigan oo intaas raaciyay “Axmed Saleban bidde dhulkii uu 50 sanno ka hor suldaan cabdillaahi siiyay inuu ku haysto, waxaanu leenahay, Xadiis ayuu nebigu SCW ku yidhi culimada xantoodu waa sun oo waa lagu dhintaa, markaas ina Saleban Bidde tiisa waad ku dhiman ayaan leeyahay oo sun ayaad ku noqon, waxaanu ognahay meel kasta oo Burco iyo Hargeysa ka mid ah wuxuu qorsheeyay iyo wuxuu u soo socdo boobkooda sidii u qorshaystay,mana suurtoobayso. faraha ka qaad hantida umadda eed boobayso, labadas bilood markay dhammaadaan darawalkii aad gaadhiga ka ahayd ayaad ku noqon doontaa.”