Wasiirka Ganacsiga Oo Si Adag Uga Jawaabay Go’aanka Ay Shirkadaha Laydhku Qiimaha Lacagta Ku Kordhiyeen

0
3817

Picture6Hargaysa( Geeska )-Wasiirka ganacsiga Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa shirkadaha korontada ee gaarka loo leeyahay dusha u saaray masuuliyada koradhka qiimaha korantada, waxaanu sheegay in aanu shidaalku kordhin wax badan oo laga qayliyo, isaga oo koradhkaas shidaalka ku yimina ku sababeeyay mid suuqyada aduunka ka kacay iyo shidaalka dalka yaala oo yar.

Waxaanu wasiirku sheegay in labada toddabaad ee soo socda uu shidaal badan dalka iman doono isla markaana shidaalku uu halkiisii ku noqon doono, waxaanu markii ugu horaysay ka hadlay saddex markab oo siday shidaal aan tayadiisu wanaagsanayn oo laga celiyay dekeda Berbera oo ay ku soo xidheen.

Wasiirka ganacsiga Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa uu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Geeska Afrika, waxaanu ugu horayntii wasiirku isaga oo ka hadlaaya koradhka qiimaha korantada ay  shirkaduhu ku kordhiyeen uu yidhi “ Horta marka ugu horaysa shirkadaheenu kuwo koronto ama kuwo biyaba ha noqdeene waxa loo baahan yahay inay isku miisaamaan isbadalka ku yimaada suuqa tamarta, tusaale ahaan markaan kuu soo qaato kal hore 215 doolar ayaa uu ahaa waxaanu yimi 165 doolar wax ay dad weynaha ka dhimeena may jirin, maanta 10%  ayaa kordhay oo daruufaha keenayna waxay ahayd korodh ku yimi suuqa caalamiga ah ee shidaalka iyo suuqa oo shidaalku ku yaraaday, labadaas qodab ayay ahaayeen  runtiina shidaal inagu filan waa uu yaala, laakiin shirkadaha qaarkood ayuu shidaalkii hadda ka go’an yahay maadaama oo aanu hada maraakiib saddex ah oo shidaal siday aanu celinay, isbadalka jiraana waa intaas isbadal weyn oo ay maanta ka qayliyaana ma jirto ee waa 10%  iyada oo boqolkiiba 30% shidaalku uu hoos u dhacayba waxba ka may dhimin, waxaanan kula talinayaa in ay dadka u tudhaan,waxaanan  leeyahay haday shirkadaha laydhka  yahiin iyo haday kuwa biyaha yahiinba in aanay ku mar mar soon waxbaa kacaye ay eegaan cida ay wax ka iibinayaan waa dadkoodiiye, waa suuqoodii iyo cidii ay ka faa’idayeen anaga oo aan lahayn khasaara hadana waa inay ilaaliyaan umadii, labada wiig ee soo socda waxaan filayaa inuu isbadal ku iman doono shidaalka waayo shidaal badan ayaa inoo soo socda.”

Wasiirka oo aanu su’aalnay maraakiib shidaal siday oo ay ka celiyeen dekeda Berbera iyo sida ay imika ku ilaaliyaan tayada shidaalka dalka imanaaya waxa uu yidhi“ Shirkadaha waxaynu kula jirnay heshiis cadaan ah oo qeexaya tayada shidaalkaasu uu leeyahay, waxa dhacday in cabashooyin inay mudooyin dhexdaas ah soo baxeen oo haamahii shidaalka ee Berbera dadkii shidaalkii ay ka soo qaadanayeen ay cabasho ka muujiyeen, arintaas waxay sababtay inaan si adag arintaas u dabo galno oo marka koowaad aanu ku xidhnay in aanu helno shahaadadii orajinaalka ahayd ee shidaalka ay ku soo qaateen iyo baadhistii lagu soo sameeyay, tiina aanan ku kal soonaan ee aanu halkana ku baadhno waliba haddii aanu talo dheeraad ah u baahano aanu Jabuuti u dirno oo aan ku soo baadhno shirkadahana waanu isla qaadnay, taas ayaa keentay shidaal tayadii aanu ku heshiinay aan lahayn markii ay soo galeen iyada oo sidii aanu awalba isku ogayn ah markii aanu nidhi waxa uu ka baxsan yahay waxii aynu ku heshiinay shirkadahuna ay aqbalaan inay la noqdaan.”