Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Oo Kulan U Gaar Ah Shalay Isku Horfadhiistay Iyo Nuxurka Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

0
521

 

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay shalay yeeshay kulan labadooda ku kooban, tan iyo markii uu soo baxay loolanka xisbiga KULMIYE.Kulankaas oo ay albaabadu u xidhnaayeen, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay, waxase la sheegay in nuxurka kulankoodu salka ku hayay ka wada hadalka madmadowgii dhawaan soo kala dhex galay ee salka ku hayay murashaxnimada guddoomiyaha KULMIYE oo uu ka sokow Muuse Biixi isu soo sharaxay wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale. Warku wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi uu mid waliba dhinaciisa ka hadlay waxyaabaha uu u arko inay madmadowga keeneen iyo sida lagu xalin karo, aakhirkiina waxa uu warku sheegay inay Madaxweynaha iyo Muuse Biixi isla qaateen dhawr qodob oo aan nuxurkooda la helin balse lagu soo koobay inay salka ku hayaan dib u dhigista shirweynaha xisbiga iyo weliba murashaxnimada xisbiga KULMIYE. Nuxurka qodobadan, gaar ahaan qodobka khuseeya dib u dhigista shirweynaha iyo wakhtiga loo mudeeyay, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo guddoomiyaha KULMIYE, wuxuu ka dambeeyay kulan habeen hore madaxtooyada ku dhex maray Madaxweynaha, xubno wasiiro ah iyo hoggaanka KULMIYE oo si weyn loogu falanqeeyay dareenada soo dhex galay gudaha xisbiga KULMIYE iyo arrimo kale, kaas oo gunaanadkiisii la iskula qaatay inay arrimaha xisbiga si gaar ah uga wada hadlaan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha KULMIYE.Shirweynaha xisbiga KULMIYE oo uu wakhtigiisu ahaa inuu qabsoomo bisha March, ayaa waxa soo dhex galay loolan ku saabsan murashaxnimada guddoomiyaha KULMIYE, kaas oo ka dhex oogan guddoomiyaha KULMIYE iyo wasiirka maaliyadda oo si cad u sheegay inuu u sharaxanyahay hoggaaminta xisbiga KULMIYE.